Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu toogtay dalka Konfur Afrika

0
Monday May 17, 2021 - 13:59:55 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu toogtay dalka Konfur Afrika

    13 qof oo labo kamid ah ay yihiin ganacsato Soomaaliyeed ayaa la dilay 7 kalena waa lagu dhaawacay kadib toogasho ka dhacday magaalada Khayelitsha oo ku taal Galbeedka magaalada Cape town ee Koonfur Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

13 qof oo labo kamid ah ay yihiin ganacsato Soomaaliyeed ayaa la dilay 7 kalena waa lagu dhaawacay kadib toogasho ka dhacday magaalada Khayelitsha oo ku taal Galbeedka magaalada Cape town ee Koonfur Afrika.

Weeraradan oo ay ka dambeeyeen koox burcad ah ayaa horseeday in boolis xoog leh la geeyo aagga uu falku ka dhacay. Baarayaasha ayaa baadi goobaya dableydii weerarka geystay.

Burcadda ayaa waxay adeegsanayeen in ay bartilmaameedsadaan ajaanibta si ay uga helaan lacago baad ah oo xad dhaaf ah, ka dibna waxay ku sii fideen inay ku daraan dadka safafka ugu jiray tagaasida.

Dilkii ugu horreeyay wuxuu dhacay subaxnimadii hore ee Sabtida, ka dibna booliska ayaa goor dambe helay meyd kale oo ay la socdaan lacago kaash ah.

Laba ka mid ah dadka la dilay habeenimadii Sabtida waxay ahaayeen Soomaali dukaanleyaal ah.

Afhayeenka booliska Novela Potelwa ayaa sheegay in dilka raggan oo ka dhacay Khayelitsha subaxnimadii Sabtida ay dhalisay toogasho kale oo dhowr ah, halkaas oo ay ku dhinteen 12 qof iyo 7 dhaawacyo halis ah.

Howlgalinta booliska ayaa lagu xoojiyay Khayelitsha iyadoo dambi baareyaal abaabulan ay baaraan dhowr toogasho oo ay ku dhinteen dad kala duwan.

Ku simaha taliyaha booliska gobolka, Thembisile Patekile ayaa ku amray booliska in ay ku soo helaan dablayda sedex maalmood gudahood.

Dhinaca kale, 11 qof ayaa loo xiray toogashadan sida lagu sheegay warar maanta lagu daabacay warbaahinta dalkaas.

Hiiraan.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip