Xukuumada cusub ee Somaliland iyo qorsheyaasheeda shaqo oo la soo bandhigay

0
Thursday July 29, 2010 - 12:13:30 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada cusub ee Somaliland iyo qorsheyaasheeda shaqo oo la soo bandhigay

    Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland ayaa soo bandhigay Golaha Wasiirada xukuumadiisa cusub oo gaaraya 26-Wasiir, kuwaasi oo iyagu maamulaya Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda cusub, waxaana ka mid ah Wasiirada cusub xubno ho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland ayaa soo bandhigay Golaha Wasiirada xukuumadiisa cusub oo gaaraya 26-Wasiir, kuwaasi oo iyagu maamulaya Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda cusub, waxaana ka mid ah Wasiirada cusub xubno horay xilal uga soo qabtay Dowladdii Daahir Riyaale Madaxweynaha ka ahaa, mas'uuliyiin caan ah iyo xubno cusub.

Wasiirada cusub ee Dowladda Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxaa la faray in Wasaaradaha loo magacaabay howlahooda uga gutaan sida waafaqsan xeerka Somaliland u degsan, daacadnimo iyo ilaalinta qaranimada Jamhuuriyaddaasi, waxaana halkaasi khudbad uu ka jeediyay Madaxweyne Siilaanyo ku faahfaahiyay qorsheyaasha ugu horeeya ee Golaha Wasiirada ay qabanayaan.

26-ka xubnood ee Xukuumadda cusub ka kooban tahay ayaa u qeybsan 20-Wasiir iyo 6-Wasiir K/Xigeen, iyadoo saddex haween ah ay ka mid yihiin Dowladda cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo uu sheegay inay tahay xukuumaddii ugu tirada yareyd ee soo marta shacabka Somaliland.

Golaha Wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu sheegay inay wax weyn ka qaban doonto nidaamka dowliga ah ee dalka ka jira, waxa uuna sidoo kale sharaxaad ka bixiyay howlaha xukuumadu ka howlgeli doonto, sida dhaqaalaha, xuquuqda shaqaalaha, xiriirka dibadda, kahortagga musuqmaasuqa iyo iyo in la khiyaameeyo shacabka Somaliland, wuxuuna Madaxweynuhu tilmaamay inuu horumarinayo iskaashiga dalalka caalamka, isla markaana ku dadaalayo maalgashiga iyo sidii daryeel loogu sameyn lahaa dadka saboolka ah.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip