Barlamaanka Somaliya oo Meel Mariyay Indho shareer Xirashada hablaha Kujira Barlamaanka

0
Monday August 09, 2010 - 20:35:16 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barlamaanka Somaliya oo Meel Mariyay Indho shareer Xirashada hablaha Kujira Barlamaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kalfadhigi maanta ee Golaha Baarlamaanka Somaliya ayaa waxa lagu Ansixiyay Xeer hoosaadka cusub ee uuyeelanayo Baarlamaanka Dowlada Somaliya.

Mudanayaasha Baarlamaanka SOmaliya ayaa waxa ay maanta ansixiyeen qaar kamid ah qodobo kamid ah xeer hoosaadka cusub ee Barlamaanka kaasi oo dood badan dhaliyay ka hor inta aan la ansixin.

 Qodobada ugu xiisaha badnaa ee maanta ansixiyeen Golaha Barlamaanka ayaa waxa kamdi ahaa dares xirashada Mudanayaasha barlamaanka taasi oo marki danbe si toos ah loo ansixiyay

Xildhibaan C/Qaaliq oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka KMG oo ka hadlay fadhiga baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegey in baarlamaanka uu masuul ka yahay Shacabka Soomaaliyeed waxaa uuna ku baaqay in qodobkaasi laga dhigo in haweenka Xildhibaanada baarlamaanka ay fadhiga baarlamaanka ay ku yimaadan Jalbaab maadaama uu baarlamaanka qaatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka loona baahanyahay in uu ka dhabeeyo sharciga uu baarlamaanka qaatay.

Dhanka kale Xildhibaan Salaad Cali Jeele, oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka KMG Soomaaliya hadalkaasi ay jeediyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada ee ku aadanaa in haweenka baarlamaanka ku jira ay qaataan Jalbaabka iyo indho shareerka, waxa uuna tilmamay in hadii ay haweenka qaataan aan lagala aqoonsaneyn, islamarkaana aan lawada shaqayn Karin.

Ugu dambeenti ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay golaha barlamaanka sia uu usoo bandhigay Gudoonka Barlamaanka ee qodobka Dhar xirashada Xildhibaanada Soomaaliya

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip