Dowlada Somaliya oo iska fogeysay iney Kenya kala heshiisay arimihi Badda.

0
Saturday May 08, 2021 - 13:23:52 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Somaliya oo iska fogeysay iney Kenya kala heshiisay arimihi Badda.

    Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beeniyay in dowlada Soomaaliya ay ka laabatay dacwadii badda eea Maxkamadda ICJ.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beeniyay in dowlada Soomaaliya ay ka laabatay dacwadii badda eea Maxkamadda ICJ.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ahaa mas’uulkii hoggaaminaya ergada Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto.

"Muranka Badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalna waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka.

Waxaa soo baxayay warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar kuwaasoo sheegayey in labad dal ay kiiska badda ka gaarayaan xal ka baxsan maxkamadda, oo ay garwadeen ka tahay Qatar.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Khamiistii inay dib u soo ceshatay xiriirkii kala dhexeeyay dowlada Kenya kadib markii magaalada Muqdisho uu wadahadal kula yeeshay madaxda dowlada Soomaaliya ergey ka socday dowlada Qatar.

dowlada soomaaliya oo beenisay inay ka laabatay dacwadii badda ee kenya
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip