QAYBTII 1,AAD 'PALTALK WAA MUCJISO!' (SHEEKO XIISO LEH)

0
Saturday September 18, 2010 - 18:56:34 in Paltalk Waa Mucjiso by Xarunta Dhexe
  • Visits: 8998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    QAYBTII 1,AAD 'PALTALK WAA MUCJISO!' (SHEEKO XIISO LEH)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Sheeko Xiiso Badan Xabaarsan oo Todobaadla ah waxana Maanta idin soo gudbin Doonaa Qeybteeda 1aad ee Hadaba Ha moogaanina .

Adduunyadu waa dhalanteed, waxwalba waa lagu arkaa oo aan aheeyn Illaah Wajigiisa sharafka badan. Hadii Illaah ku itixaamo dhibkaaga ma yaro, tusaale xun lagaaga dhigo bulshada weeynta inteeda kale, waa magac la'aan, murugo, dhib iyo kadeed maskaxadeed. Sida aan iri Adduunyado waa dhalanteed, Dadkuna waa laba wajiilayaal, waxeeyna intooda badan qabaan waji ay qof fiican iskaga dhigaa, iyo mid ku qarsoonsan wajigooda caadiga ah gadaashiisa oo ay dadku ku cadaabaan, nolosha kagaridaan, ku aasaan ayagoo nool, kana faiideeystaan jaaniska ay heeystaan maantay oo aan marnaba birito sugin ee digtoonaaw!

Aqriste yaanan war kugu wareerinin, ee sheekadu waa sheekadii aan qalinka u qaatay, oo aan jecleystay in aad ila qaybsatid, waa sheekadii aan magaceedii la jeclaaday: 'Paltalk waa Mucjiso!'
Waa galab, guriga oo dhan waa laga kala tagay, hal gabar iyo kombuyutarkii oo kale ah ayaa iskula soo haray. Aabaheed masaajidka ayuu aaday markuu shaqadiisii ka yimid kadib, hooyadeed iyo labadii yaryaraana waxeey aadeen meesha ay ilmahu ku dheeleen, oo halkaas ayaa ilmo badan oo soomaali ah iyo hooyooyin soomaali ah iskugu imaanaayaan galabkaan, walaalkeed ka weeyna banooni ayuu aaday.

Sidaas daraadeed ayeey kaligeed guriga ku tahay. Fadhiga ay hada ku fiirsaneeyso filinka loogana kala tagay ayeey dhex fadhisaa weli. Filinkii waa dhamaaday, kuwa kale ayeey raadsatay, wax nah lehna waa ka weeysay. Waa ogtahay in hooyooyadeed si fiican kaga dardaarantay in ay shaqooyinkii laga adeejiyay u sameeyso inta aysan bixin ka hor,

sidaad daraadeed ayeey u kacday si ay iskaga kala hagaajiso guriga dhan, waxey casho ka dhigi laheydna ka sii fekerto, oo in ay sii diyaariso ayeey rabtaa. Shaqadii hooyadeed ka dardaarantay durbadiiba waa tan dhamaatay

saasta ay tahay reerkiina sooma dhawo waqtiga dhimanna waa badanyahay in ay kaligeed halkaan fadhidane waa wax aysan ogolaalin weli. Balsa ma rabto in ay banaanka aado, ama talefanka ka wacdo saaxiibteed oo ay ka balan qaaday in ay soo weci doonto markay iskuulka ku soo kala tagaayeen maantay. Fadhiga ayeey marka dhinac ka fiirisay,

kombiyuutarka ayeey indhaha ku dhufatay, hadane waa tan is dharbaxday, oo is tiri:' Maxaad ka ag sheegee kombiyuutarna saacadaan, wax falan aad tahee!' Markiiba qolkeeda ayeey gashay oo ka soo raadisay wax uun hagaajis kaga baahan, waa tan tinteeda sameeysay ugu dhaqaaqday, jirkeeda iyo wajigeedii fiirfiiris u gashay, aadna isku cajabisay, sina markay u fiiriso suniyaheeda ay ka weeysay isla sinma, waa isku xanaaqdaa. Laakiin aad ayeey iskugu qanacsantahay, ineey qurux badantahay xaafada in looga sheekeeysto waa ka warheeysaa.

Mobiilkeeda ayaa soo dhacay, dhegaha ayeey ka qabsatay, ma rabto ineey saacadaan war gasho, galabtaan ayada iyo nafteeda ayaa kaligood ahaan doono! Markii hal saac laga soo wareegay, oo ay weli qolkeedii ku dhex jirto, oo ay wixii dhar u yaalay banaanka soo dhigtay, sida ay midba mar iskugu fiirineysay inkastoo aysan asbuucaan u soconin xaflad, hadane meel aan la aqoonin ayeey labiskaan u diyaarinee, sida ay u labisan laheeydna ugu sii fekeree. Waa ku war la'aantaaas gabareey.

Qolkii waa ku dhex caajistay, waxeeyna niyada u sheegtay in aysan si kastaba banaanka u soconin, sidaas darteedna waxeey ku soo laabatay fadhigii, oo kombiyuutarkii indhaha ku dhufatay, waa tan ku soo oroday, MSN horay ka furtay, markay cabbaar ku jirtayna, gabar ay saaxiibo yihiin u sheegtay in ay ku jirto Paltalk oo la iskugu tagay sidaas darteed ay caawin ka rabto, ayadane si degdeg ah ayeey ku gashay qolkii ay saaxiibteed ugu jirtay Paltalka, oo caaytan iyo aflagaado kaga bilawday wiilkii ay saaxiibadeeda ka sheegatay.

Waxyar kadib ayaa qoraal barayfat (Privet) ah u yimid gabadhii kombiyuutarka kas la'aanta ku soo gashay. waa fiirisay, waa magac wiil, waa la sheekeeysatay, magacaa iyo inteed degentahay, kadibna ciwaanada MSNka ayaa la is dhaafsaday. Waxyar kadib waa soo galay, waa la isla sheekeystay, si fiican ayaa la isku bartay, in isku magaalo la joogo ayaana la wada ogaaday.

Gabadhaan qofkaan aysan hubin wiil iyo gabar waxa uu yahay, warka uu sheegaayo mid mid ayeey u rumeysatay, aad ayeeyna u xiiseeysay sheekadiisa maalinkii koowaadba. Gabadhaan cashadii ay saacado ka hor diyaarisay xataa ma taqaano wax sameeyay, goor ay hooyadeed timid, ilmahii la kala seexiyay, walaalkeed iyo aabaheed yimidiin uun haday qosolkooda ku soo baraarugtay. Markay aragtay dadkii oo wada fadhiya fadhiga wax aan la aqbali karin ayeey la noqotay, oo tan ku tiri inkastoo la maraa hada sagaalkii habeenimo:'

Waraa Amiin goormaad imaateena? waad soo dhaqsateene?' Amiin iyo labadii waalid qosol ayeey isku dhufteen, oo Amiin ayaa ku jawaabay asigoo duqeynaayo walaashiis:' Aabe waan kuu sheegay markii aad keeneeysay kombiyuutarkaan in Mariya ay waalan doonto, oo miirka ay ka qaadi doonaan nimanka adiga kaa waa weeyn oo howla la'aanta ku dhex heeyso kombiyuutarkaan.' Waa la wada qoslay, oo hooyadeed ku tiri Maariya:' OO hooyo macaanto yaa baas oo aad ku maqneed, markii aan imaanaayay oo cashada sameeynaayay? hadii aad ku soo baraarugi weysay qayladii iyo ooyintii Caamir oo ay dhab kaa tahay in aadna la soconin mar aan soo galnay guriga walee wax waa ka jiraan warka Amiin!

' Waa la is fiirshay, qosol ayaa mar labaad lagu dhuftay, inkastoo ay wiilka iyo waalidiintiisaba ay foorjo ka wadaan. Hadane Maariya inta xanaaqday ayeey qolkeedii horay u gashay ayadoonan u jawaabin. Riyadii macaaneed ayeeyba ka qaseen, maantay nin ay la so hadashay hadii ay aqoon u lahaan lahaayiin meey warkaas sheegi lahaayeen ayeey istiri. Maariyo feker iyo riyo ayeey gashay, midba mid ka sii macaan u dhiibtay, is tustay in qofka ay maantay la soo sheekeeysatay mustaqbalkeeda wax ka bedeli doono si uu kaga bedelaba�. La soco qaybt so socota!

WALAAL ADIGOO MAHADSAN WIIXI FEKRAD ANA DHALIIL AH iigu soo celi e-mail:samsam_1989@hotmail.com
NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar la,aan waa ka mamnuuc mala'awaal ilaa ogolaasho laga helo qoraaga sheekada iska leh.

29.09.2008 W/Q Ifraax Yusuf C. (Ifka)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip