Kulan kulmiyay dhamaan Dariiqooyinka Ahlusuna Waljamaac ayaa Waxa ay kusoo gunaanadeen Siyaaradi Shariif Calawi (Q.1aad Sawiro).

0
Saturday November 12, 2016 - 23:20:48 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan kulmiyay dhamaan Dariiqooyinka Ahlusuna Waljamaac ayaa Waxa ay kusoo gunaanadeen Siyaaradi Shariif Calawi (Q.1aad Sawiro).

    Siyaarada Shariif Calawi oo bilaabatay Maalinimadi isniinta ayaa waxa ay ku beegneed Banaanbaxa Siyaarada Galabnimadi Jimcaha iyadoo ay kasoo qeyb galeen Dhamaan Ahlu Dariiqa Meel Kasta oo ay joogtaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaarada Shariif Calawi oo bilaabatay Maalinimadi isniinta ayaa waxa ay ku beegneed Banaanbaxa Siyaarada Galabnimadi Jimcaha iyadoo ay kasoo qeyb galeen Dhamaan Ahlu Dariiqa Meel Kasta oo ay joogtaan.
Isu Soo baxa Banaanbaxa Sheekha iyo Qur'aan Aqriska Siyaarada ayaa waxa si weyn uga soo qeyb Galay dhamaan Culimada Ahlusunnah Waljamaac iyo Shacabkooda.

Siyaarada oo sanadaani aheed mid si weyn ubalaaran isla markaana halkaa lagu siyaartay dhamaan Qabuuraha Owliyada Ilaahey ee Asharaafta Shariif Calawi ayaa sidoo kale waxa laga sheekeeyay Doorka Shariif Calawi oo kasoo qaatay Ku Dadaalida Diinta Islaamka iyo sida lagu soo gaarsiiyay Shacabkaan Soomaaliyeed

Dhamaan Culimadi Mudarasiinta ka ah Masaajidyada Magaalada Muqdisho oo si weyn usoo camiray Siyaarada ayaa waxa ay Shacabki kasoo qeyb galay ugu baaqeen in ay Qabsadaan Xariga alle Taa oo kow ka tahay Adeecida Rasuulkeeni Muxamed iyo Inti Raacday oo Rumeesan kuwaasi oo ugu horeeyaan Dhaxalka Anbiyada (Awliyada Ilaahey).

Siyaarada Shariif Calawi ayaa waxa ay tahay Siyaaro Sanadiba mar lagu qabto magaalada Muqdisho oo halka Sheekha ku aasan yahay gaar ahaan Degmada Shangaani ,

Siyaarada Shariifka ayaa sidoo kale waxa ay ka mid tahay Ixtifaalada Ugu Waweyn ee Lagu Weyneeyo Culuma'u Ahlsunna Waljamaac iyadoo Sida Caadadaan lagu Soo Bandhigo Xelqooyin Dikri ah kuwaasi oo lagu Muujiyo Shaca'irka Ahlu Dariiqa
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip