Muqdisho ka Dhowr Dhibta Casharkii 1aad iyo CBB (WQ. Faisal Roble)

0
Monday April 19, 2021 - 13:41:57 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho ka Dhowr Dhibta Casharkii 1aad iyo CBB (WQ. Faisal Roble)

    Muqdisho waa magaalo madaxda Soomaaliya. Waa haduu Cali yare iyo CBB fahmayann ee, waa waxa la yidhaa REGIONAL PULL ama xarun soo jiidasho leh. Inanka ama inanta Soomaaliyeyd kol kasta wey u han qal taagi doontaa Muqdisho. Sidaasayna ahayd ill Qarnig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho waa magaalo madaxda Soomaaliya. Waa haduu Cali yare iyo CBB fahmayann ee, waa waxa la yidhaa REGIONAL PULL ama xarun soo jiidasho leh. Inanka ama inanta Soomaaliyeyd kol kasta wey u han qal taagi doontaa Muqdisho. Sidaasayna ahayd ill Qarnigii 11aad.

Waa magaalo uu Ibna Batuuta ku sheegay 1340hii magaaladii ugu weyneed uu arkay tan iyo intuu marahay Magrib ama waqooyi-galbeed ?(Afrika.)
Qarnigii 15aad iyo 16aad waxa laga difaacay Portuguese. Boqorkii Cumaniga ahaa qudhiisu wuu ku daahay waase laga xoreeyey. Gaaldii timid ee arliga qabsatay waxay Moqdhisho u bixiyeen "The Pearl of the Indian Ocean," ama "Jawharadii Badweynta Hindiya." Sidaasina waa qurux darteed.
Xamar ama Muqdishu CBB maxay ka yaqaanaan. Cali kolaba fahmi maayo ee intiina fahmi halkan ka dhugta qoraal ku aadan Muqdisho oon barbar dhigayo Los Angeles. Waxaan qoray 2005.

https://politicssomalia.wordpress.com/.../a-tale-of-two.../
Caliyow adigu ha dumin Muqdisho. Walaahi adaan kaaqa baqayaa!
Waa marka labad, Muqdisho anigaa kaaga horeeyey kaagana lexejelo badan saa waxaan ogahay waxay tahay taariikh ahaan iyo Soomaali halka ay kaga jirto.

Isbarbar dhig: 1970hii qayd ayaad xidhnayd oo maqal adhi ah ayaa la joogtay. Maantana meelo aan ogahay ayaad warka u kala qaadaa. Ana 1970dii 15 May iyo Sakhwudiin Sare ayaan macalin ka ahaa. Ardadii aan aflixiyey waa safiiro, ingineero, iyo wasiiro. Waxaan Muqdisho ku soo biiriyo mooyee wax ka ma ridin.

Ilaah baan kugu dhaarshee oo waa Ramadaan ee bal sadex arimood oo anfac uu leh rer- Muqdiaho ood ku kordhisay noo sheeg.
Aniga oo cilmi korodhsi raadin ayaan imid Mogadishu. Waanan ka helay. Thanks. Adna RBJ ayaad la timid. Welina guriga ayuu kuu dhex yaal. Labadeenuba xiliyo kala duwan ayaynu nimid.

Xiliyadii adkaa ee 1990 ayaan difaacayey Muqdisho, booskaaga, adiga iskaba daa, iyo kuwa ku weegaarsan halkay joogeen? Halkay joogeen markaanu sameynay Ergo oy ka mid ahaayeen Toogane, Axmed Xuseen Xayle (AUN) Saciid Samatar (AUN)... ama xiligi Israac oy ka mid ahaayeen Xoosh(AUN), Dr. Cabdi Nuur, Abuukar Arman, Xussen Warsame...

Mogadishu waa in dagaalka adiga iyo kuwa kaleba aad ka ilaalisaan. Ogow oo sida aad u leedahay anakaa leh Muqdiaho anigu si ka duwan ayaan u arkaa;
1. Waa meel geeska Afrika taariikh Islamic ah oo facweyn leh.
2. Dhismayaal taariikheed oo Aadamigu ilaashan rabo (historical resources)
3. Taariikh la xidhiidha dagaaladii Diimiga ahaa ee the Crusade war.
4. Taariikh Cumaani ah.
5. Taariikh gumeysiga iyo Talyaani xiligiisii
6. SYL iyo isu keenkii Soomaaliya oo horseeday in dad badan oo kala duwan soo dagaan.
7. Burburkii Muqdishu ee 1990hii
8. Soo kabashadii Muqdishu iyo dhibaatooyinka ku gadaaman sida qorshayn la'aanta, siyaasada, iyo dhaqaale.

Mogadisho is more complex than what you think. War la waado iyo dagaal siyaasadeed ood hada qabyaaladayso waa shaqada laguu igmaday.
Haday Muqdisho dunto, si ku meel gaadh ah dawlada waa looga wareejin karaa. Taariikhdana wey dhacdaa. Intaasi hadaaban ku leeyahay. Dib u dhiskuna wuu adag yahay. Sidaas darteed, war HA DUMIN!

Bal caawa intaasi akhriso sheekada gaaban eed ku xoogsanayso saaxiib inaga yaree.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip