SHEEKO TAXANE AH DHAAWAC AAN BOGSANEYN, QEYBTI-2AAD, BY: AWEIS XUSEEN SHIINO!

0
Wednesday September 22, 2010 - 02:35:21 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    SHEEKO TAXANE AH DHAAWAC AAN BOGSANEYN, QEYBTI-2AAD, BY: AWEIS XUSEEN SHIINO!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobaadkii ugu horreeyay Axmed Wuxuu igu soo wareejiyay magaaladii uu joogay, gees ilaa gees annagoo isa soo raaci jirnay galab kasta markuu saaxibkey shaqada ka soo baxo wuxuuna i kala tusi jiray waddooinka, dhismaha iyo waxa ay ka kooban yahay. todobaadkii xigayna shaqadii ayaan toos u bilaabey anigoo dadaal muujinaayo taasoo uu saxibkeyna u kordhisay firfircowni dareensiisay madaxdii shirkadda dardarmadeyna cusub oo aan ku shaqeyneyno, aniga ahaan wax tamar ah kama reeban shaqadeyda cusub oo si ba'an ayaan u xiiseynaayey waayo tan iyo intaan ka qali-jebiyay kulliyaddii Injineeriyadda wax shaqo ah ma'aan helin waxayna arrintu iga aheyd xoogga jiriddiisa muuji.

Galab kasta markaan shaqada ka soo baxno waxaan soo mari jirnay mid ka mid ah suuqyada sare oo aan ka soo gadan jirnay raashin wixii aan u baahan nahay , sidoo kale waxaan soo mari jirnay Boostada oo ku tiil isla waddada aan soo marno marka aan usoo jeedno halka aan degganahay , runtiina waa iska caadi in marka qofku uu joogo Gurbaha uusan cagta ka bixin Boostada .

Qofba meel ayuu tabanaayey aniga iyo saaxibkey, isaga wuxuu si samir la'aan ah u dhowrayay waraaqaha kaga imaanayey gabdha uu dhawaan mehersaday , anigana waxaan sugayey dhambaallada ay ii soo dirayaan waalidkey iyo walaalahey.

Marba xaalad ayaan kala kulmi jirnay Sanduuqa Boostada , mar annagoo wada faraxsan ayaan ka soo noqon jirnay oo waraaqo ka soo helnay , marna annagoo isa samrineyna ayaan ka soo noqon jirnay , marna midkeyn ayaa faraxsanaan jiray midka kalena indhaha ayuu isku qaban jiray.

Qiimaha waraaqaha leysu diro qofkii Gurbaha tegay ayaa garanayee , galab galbaha ka mid aheyd oo aan sidii cadada noo aheyd soo marnay Boostada ayuu Axmed ka soo saarey sanduuqii Boostada waraaq isaga ku socoto oo Muqdisho laga soo diray cinwaankana Type kula garaacnaa , aniga galbtaas waraaq sooma helin sidaasna waan isi samirsiinayey.

Waa uu faraxsanaa saaxibkey Axmed mar haddii warqad uu akhriyo sanduuqa Boostada kala soo baxay, xaaladahaas oo kale markii uu qof naga mid ah waraaq helo qofka kalena uu soo waayo , qofka waraaqda soo waayey wuxuu isku maaweeli jiray inuu qofka kale kala qeyb galo akhrinta waraaqda loo soo diray ama ka hadlidda arrimaha ku qornaa waraaqda loo soo diray.

Markii aan guriga nimid Axmed isagoon dharka iska beddelin ayuu warqaddii akhris uga wardooney, aniga intaan dharkii shaqada iska beddelay ayaan alaabtii aan suuqa ka soo gadaney qaboojiyaha ku guray , laba qasac oo cabitaan mushal ahna hore uga soo bixiyay, midkood Axmed ayaan ag dhigay kiikalena intaan furtay ayaan cabid ku bilaabey, waxaana labadeynuba fadhinay qolkii jiifka.

la soco khamiista dambe
Lasoco Qamiis Walba, Hadii uu Eebe Idmo

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada

Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,


NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan.
& Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo,
Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan
E-Mailka:
Webmaster@warsheekh.com,

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip