SHEEKO TAXANE AH DHAAWAC AAN BOGSANEYN, QEYBTI-5AAD, BY: AWEIS XUSEEN SHIINO!

0
Wednesday September 22, 2010 - 02:49:29 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHEEKO TAXANE AH DHAAWAC AAN BOGSANEYN, QEYBTI-5AAD, BY: AWEIS XUSEEN SHIINO!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhibaato kasta oo isoo gaarteyna waxaan ka dhigtay arrin Ilaah igu imtixaanayo oo iimankeyga lagu tijaabinayo inaan ku samrayo iyo in kale, laakiin aniga ilaah ayaan ku mahadiyay waxaana soo xusuustay iney jiraan: dad iyagu qalliin culus lagu sameeyo oo xubnahooda qaar la jaro xanuunkana u adkeysta.dad ay waalidkood iyo walaalahood iyo carruurtoodaba ka dhintaan oo ku samro murugada u imaaneysa.



-- dad shilal ku yimaadiin ama nabar aan reysan ka soo baxo xanuun joogto ahna uu haayo isla markaasna ku samirsan murugada ku timaada raalina ku ah qadderka eebbe.

waxaan hore u aaminsanaa inuusan jirin qof ka baxsanayo qadderka Eebbe , sidaas darteedna waan iska adkeystay waxaana ku samrey xukunka Eebbe, hana u qaadan hadalladeydan inaan adiga haatan dhaliil iyo eedeyn kuu soo jeedinayo ama aan adiga mas'uul kaaga dhigayo wixii dhacay.

Dhibaatadii igu dhacdey adiga wax eed ah haba yaraatee oo aad ku leedahay ma jiraan , falka aad sameyseyna waad ku saxan tahay , adiga waxaad la mid tahay qof si caadi ah waddada isaga marayey oo xabbad quraansho ah ku istaagey isagoon u jeedin , walow ay wanaagsaneyd in qofka iska fiiriyo halka uu tallaabooyinkiisa dhigayo , adiga kama aadan warqabin yididdiiolada aan Ruuni ka lahaa , iyadaase la rabey iney kuu sheegto inuu jiro wiil adiga kaaga soo horreeyay oo ay dhiiggiisa ka mid noqotay ,sidaas haddii aysan dhicin oo ay kaa qarisay xaq ayaad u laheyd markaas inaad mas'uuliyaddeeda qaaddo oo aad guursato mar haddii aad dhaqaale laheydiyaduna ay raalli kaa aheyd.kumana lihi gabar ayaad iga boobtey , cuqdana kuuma qabo laakiin markii Ilaah ka dhigo dhawaa iyo dheeraaba oo ay Ruuni soo baraarugto gefkii ay iga gasheyna garato oo ay dareento habeen iyo maalin ciqaabta uu damiirkeeda ku soo rogayo adiga aad ka war heshid ama aad maqasho wixii na dhex marey aniga iyo gabadhaas, goortaas markii la gaaro waxaan kaa codsanayaa inaadan kicin oo aad u degganaato sida aad haatan u deggan tahay una faraxsanaato sida aad haatan u faraxsan tahay .

Qofka dembiga iga galay oo aad iska garan kartid waa Ruuni caddaalladdii Eebbe ayaana ku kala bixi doonaa , waayo caddalad kasta oo dhulka ka jirta nama kala saarto waayo Ruuni waxay si fudud u jebisay yiddiddiladeydii dabadeedna adigaa mehersaday , laakiin yaa u sheegi lahaa in tallaabadaas ay qaaddey ay ku dumisay nolosheydii .

Ugu dambeyntii ka raali noqo waqtigii qaaliga ahaa oo aan kaaga lumiyay aqrintii waraaqdaan.la soco khamiista dambe

la soco Khamiis Kasta

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip