Xildhibaanada Puntland oo xamar ka huleelay (maqaal)

0
Sunday October 17, 2010 - 13:09:13 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Puntland oo xamar ka huleelay (maqaal)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii eeyan helin r/waasre xamar waxa aan ka qabaneeyno ma garaneeyno ayaa ahaa jawaabtii eey ka bixiyeen xildhibaanada Puntland mar wax laga weeydiiyay r/wasaaha cusub Maxed C/aahi.M.( farmaajo) sida oo kale koox xildhibaana ah oo ka soo jeeda Somaliland ayaa ayagana qaba in ninka loo dhiibay uusan ehel u aheeyn dowlada fedraalka balse ahaa nin aanan dalka ku sugneeyn 20 sanno ee la soo dhaafay reerka uu ka soo jeedana siyaasada socotaa eeyan ku soo kordhin karin wax isbedel ah,iyada oo eey meeshaasi joogto ayaa waxaa laanta BBC da wareeysatay C/aadir Cabdi Xaashi R/dowlaha dowlad goboleedka Puntland waxaa uu durbadii shegay in dowlada kumeelgaarka ah ay jabisey heshiiskii lagu dhisey Dowladii awood qaybsiga aheeyd ee lagu soo dhisay Jabuuti,waxaa uu Maquustahaasi asaga oo aanan ka xishooneeynin hadalkiisii ku soo gabagabeeyay in dowladi eeyan jirin balse magac uu jiro,mar wax laga weeydiiyay waxa eey ku mucaaradaayaan r/wasaaraha cusub waxaa markiiba waxaa uu dhahay r/wasaaraha cusubi in uu ka tirsanaa maxkamadihii dalka ka hana qaaday ee xamar ka sifeeyay hogaamiye kooxeedkii 17 sanno umada u diiday nabada iyo nolo sidaasi awadeed eeyan Puntland ku diidan yihiin in awooda dowlada eey qaadato hal beel ????? Sh.Sharif.Sh.Xasan Adan iyo M.C/aahi M.asaga oo iska indho tiraayo habqeeybsiga dastuurka federaalka ee ahaa qaabka 4,5.

Akhristow waxaa arimaahaas oo dhan lagu macneeyaa Haduu Majeerteen noqdo lugta jecli, lafta jecli, jaga walbana anaa ku haboon, oo anagaa qaadanayna oo daarood anagaa matalna xagee cadaalo ka imaan,waxaa eey noqdeen Madaxweeyne (Maquuste ) R/wasaare Ina C/rashiid Cali Sharmaarke intaba waa eey ku fashilmeen xagee u socodaan ??? Teedyada anaa leh Taadana kula lehi ,Puntland canshuurta laga qaado qabiillada dhulkaasi ku dhaqan cid ka masuul ah oo talada baarlamaanka ka mid ah ma jiro oo si xaq ah loo soo doortay,waxaa afka qalaad lagu dhahaa (taxation with no representation is not right ) dhowr reer ayaa xaaraan ku haysta awooda Puntland waana tan keentay in C/ahi Yusuf,Cade Musse iyo Faroole eey isku bedelaan awooda qabaa-iilada Puntland,waxaa xaqiiq ah in Puntland looga kala cararay cadaalad xumi xoog badan,waad aragtaan sabbabta Sool iyo Sanaag kaga gadoodeen ka mid ahaanshaha Puntland,Puntland waxeey soo tarxiileeysaa caruurtii,haweenkii ragii Somaliyeed halka Tigreega iyo Oromada Ethiopia eey si xor ah ugu nool

yihiin dhulka Somalida wada leedahay,waxaa shir lagu qabtay Garowe waxaana ka soo qeeyb galay w/arimaha gudaha Puntland iyo hayadaha samafalka caalamiga waxaana la wada qaatay in la hormariyo dowladaha hoose ee Garowe,Bossaso,Qardho iyo Gaalkacayo akhristow sow lama dhihi karo Puntalnd hal jufo ayaa leh.dib u fiiri warbixntiii eey diyaarisey wariyaha VOAda Nairobi ee Alisha Ryu oo kusoo baxdey Bogga VOA ee afka Ingiriiska.

Akhristow ma ogtahay in gobolada Sool iyo Sanaag aad iyo aad looga soo dhaweeyay r/wasaaraha cusub magacaabidiisa, suaasha mudan in la wajahaa waxaa eey tahay Mareexaan ma shisheeya aanan dalka wax ku laheeynbaa ? Maxeey Puntland u diidayaan,xaqiiqdii haddii taariikhda Somalia laga saaro wax qabadkii xukuumadii Siyaad Bare waxaan filaayaa in dhadhan eeyan laheeyn marka laga reerbo SYL iyo sidii gumeeystaha kaga xoreeyeen dalka Somalia,dib u fiiri xiligii masuqmaasuqa ee C/risaaq Xaaji Xussen 9 sanno oo xornimo la ahaa wax la taaban karo oo eey dowladaa qabatay ma jiro balse boob iyo xaqdaro ayaa socday.

Waxaan jeclahay in madaxda dalka uu ugu horeeyo Sheekh Shariif iyo r/wsaaraha cusub in aad baadi goobtaan midnimada Somalia hal jufo ilama aha in eey horistaagikarto hadafka iyo ujeedada dowlada midnimada qaran,waxaan ku soo gabagabeeynayaa Ogowe hoygaaga waa meeshii aan hoy lagaa dhihin dhiiga waxuu ka socdaa koonfur nin caruurtiisa skool aadayaan nabad ku nool la mid maaha nin caruurtiisii loo diiday skool iyo nabad iyo nolol.

welcomes Somalia's new prime minister

Dr.Ali.A.HIrabe, Hirabe_a@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip