Xamarrow_Xageen_kaa_Aadaa! "Qax ayaa Qarka u Saaran ahay"

0
Monday April 19, 2021 - 13:41:56 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xamarrow_Xageen_kaa_Aadaa! "Qax ayaa Qarka u Saaran ahay"

    Waa leys colaadinayaa, habar wacasho qabiil ayaa bilaabatay, aagag cusub ayaa laga samaystay magaalada gudaheeda, hadallo u badan hanjabaad ayaa warbaahinta la isu marinayaa, nabaddii ayaa u muuqata in ay sii lumayso!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa leys colaadinayaa, habar wacasho qabiil ayaa bilaabatay, aagag cusub ayaa laga samaystay magaalada gudaheeda, hadallo u badan hanjabaad ayaa warbaahinta la isu marinayaa, nabaddii ayaa u muuqata in ay sii lumayso!

Xisadda ka jirto magaalada ayaa mar walba cirka isku sii shareeraysa, warrar dhiilo xambaarsan ayaa la maqlayaa, wadnaha ayaa farta lagu hayaa, cabsi waxaa laga qabaa in uu isku dhac ka bilowdo magaalada Muqdisho.

Nasiibdarro má jiraan wax dadaallo ah oo lagu qaboojinaayo xasaradaha ka Oogan G/Banaadir, dad u muuqda balaayo afuuf ayaa Buun-buuninaya is af-garan waaga ka taagan siyaasadda Soomaaliya.

Dhawr cisho, kadib, caawa ayaa markii iigu horeysay tan iyo intii la guda galay bisha Ramadaan waxaa ii suuragashay in aan bannaanka u sheeko doonto, niyad-jab ayaa kala soo laabtay goobihii aan booqday.

Dagaal waa kama-dare, Xamar waa xabaddo sugto, dhawaa iyo dheeraba mar waa la is fará-saari doonaa & ereyo kale oo kuwaasi ka naxdin badan ayaa dhagahaygu ku soo dhacayay mar aan shaah ka cabayay baarkii aan u sheeko tagay!

Aragti-ahaan Muqdisho waa riman tahay, karkeeda ayaa baxayo, ma fahmi karo waxa laga faa’iidayo haddii uu qarxo Dagaalka loo gurbaan tumanayo, hubaashii Dagaal wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho!

Soomaali Maxamadeey, caqligu ha talsho, Ha la isu tanasulo, danta gaarka ah meel ha la iska dhigo oo danta guud ha laga shaqeeyo, waa ayaandarro in aan mar kale gacmaheena ku burburino Caasimadeena!
#Allow_Nabad_noo_Naadi
W/q: Shiiqaalow Xasan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip