Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka ayaa la kulmay Mucjiso rabaani ah kadib markii muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xaaji Cali C/raxmaan oo muso labaatan sano ka hir ah waayay maqalkii dhegaha iyo hadalkii kdib markii uu madfac ku soo dhacay meel aan ka fogeyn xiligii ay socdeendagaaladii sokeeye ee 90-kii ka dhacay Muqdisho.
 
Xaaji cali C/raxmaan iyo qoyskiisa oo ka mid ahaa dadkii ka cararay dagaaladii sokeeye ee gaaray dalka Ingiriiska kaasoo lagala quustay dhowr Cusbitaal oo la geeyay laguna guuleysan waayay in wax ay ka qabtaan dhaqaatiir waaweyn oo ku taqusustay aaweynta dcudurada maqalka iyo hadalka ku dhaca, kaasoo ay ku baxday hanti fara badan .
 
Xaajiga iyo ehelkiisa oo ka quustay in daryeel caafimaad oo dambe aysan isku mashquulin ayaa nasiib wanaag sanadkan isaga iyo xaaskiisa ay u suura gashay in ay soo aadaan gudasha Xajka ee sanadkan, balse xaajiga oo isu diyaaranaya inuu qabeysto, isla markaana isu diyaariyo tukashada Salaadda Subax ayuu biyaha ZamZamka ku dhaqday wajiga iyo madax, isla markaana amarka EEBBE uu maqlay Aadaanka Salaada Subax, isagoo kelmadii ugu horeysay 20-sano kadib uu ku hadlay ay noqotay Al-Xamdulilaah, taasoo ka fajacisay xaaskiisa iyo xujeydii kale ee la socotay.
Xaaji Cali C/raxmaan ayaa dadkii la socday ay kula taliyeen in uu la xariiro taqaatiirta caafimaadka ee ku suga Xajka kuwaasoo baaritaan kadib xaqiijiyay in caafimaadkiisu uu taam yahay siina wadan karo gudashada waajibaadka Xajka, isagoo intaa kadib qadka Telefoonka kula xiriiray carruurtiisa oo ku sugan dalka Ingiriiska kuwaasi oo dareen farxad ah muujiyay.
 
Dhacdadan rabaaniga ah ayaa qeyb ka noqoneysa awooda ALLE ee ku sugan dhulka arlada ugu barkeysan ee Makka iyo Madiina halkaasoo ah meesha dunida ugu qeyrka badan oo ay ku dhanatahay gargaarka EEBBE waxaana nasiib ah qofkii RABBI uu waafajiyo gudashada Xajka oo ay Soomaalidu ku maamaahdo xaaji sooma noqdee xujaa soo laabata oo ay ula jeedaan qofkii nasiib leh inuu halkaasi ku dhinto.
Xaaji Soomaaliyeed oo 20 sanno kadib helay maqalkii dhegaha iyo hadlakii