Afduubyadi kadhacay Islii oo xog rasmi ah laga helay

0
Sunday June 27, 2021 - 23:19:01 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afduubyadi kadhacay Islii oo xog rasmi ah laga helay

    Booliska Kenya ayaa soo xiray labo ruux oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen afduub iyo jirdil bishan horraanteeda loo geystay Xafsa Maxamed Luqmaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Kenya ayaa soo xiray labo ruux oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen afduub iyo jirdil bishan horraanteeda loo geystay Xafsa Maxamed Luqmaan.

Jackson Njogu, oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 sano jir ah, ayaa laga soo qabtay hotelka Crystal View Lodge oo ku yaalla deegaanka Kinangop.

 
Booliiska ayaa sheegay in labadan qof oo xiriir jaceyl uu ka dhaxeeyay ay ka dambeeyeen afduubka Xafsa Maxamed oo laga kaxaystay dukaankeeda.

"Kaddib markii ay falka dembiga ah geysteen, (Jackson iyo Xafsa Cabdi) waxay u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl geli jireen,” ayaa lagu yiri qoraal ay bata Twitter-ka soo dhigtay Waaxda Dembi-baarista Kenya.

Xafsa Maxamed oo 23 jir ah, ayay bishan horraanteeda booliisku ka heleen qol mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Matopeni.

Hase yeeshee lama bixin lacagta madax furashada ah, eedeysanayaasha ayaana ka baxsaday goobta. Labadan eedeysane ayaa lagu wadaa in berri la soo taago maxkamadda.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip