Wasiirka Wasaaradda duulimaadka hawada iyo gaadiidka circa ee m/mulka Somaliland Max’ed Xashi Cabdi oo u waramayay wakaalada wararka ee Reuters ayaa waxaa uu sheegay inay maxkamadeynayaan shaqaalaha diyaarad ay dhawaan qabteen oo sida la sheegay hub u waday m/mul goboleedka Puntland.
Wasiirku waxaa uu sheegay in goor dhaw maxkad hor keenaya shaqaalaha diyaaradda Antonov-24 oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen ciidamada illaalada garoonka diyaaradaha Hargeysa oo sida la sheegay saanad Military u wada m/mul goboleedka Puntland waxaana uu wasiirku sheegay in iyagoo ku dhaqmaya go’aankii ay golaha amaanka ee Q,M uu ku cuna qaqbateeyay hubka Somalia.
“Markaaju baaritaan sameynay waxaanu go’aan ku gaarnay inaanu maxkamadeyno shaqaalaha diyaaradda hubka wada dabcanna waxaa arrintaan nala baaray gudi ka socda Q,M” ayy yiri wasiirka dulimaadka hawada iyo gadiidka circa ee Somaliland waxaana uu intaa ku daray inay hubka tuseen gudi Q,M ka socda oo Hargeysa booqasho ku tagay iyo waliba mas’uuliyiin ka tirsan urur goboleedka IGAD.
Max’ed Xaashi Cabdi waxaa uu sidoo kale wareysigiisa ku sheegay inay maxkamada geynayaan 8 ruux oo shaqaale ah iyo 2 ruux oo kale oo diyaaradda saarna oo sheegtay inay Wariyaal yihiin isla markaana sharciga lagu qaadi doono.
Hadalkaan ka soo baxay m/mulka Somaliland oo sheegtay inay Somalia inteeda kale ka go’een hase ahaatee aan willi wax aqoonsi ah helin ayaa waxaa uu imaanayaa xilli Somalia ay saran tahay cuna qabateyn xagga hubka ah oo ay Q,M ku so rogtay markii ay dhacday xukuumaddii dhexe ee dalka.
Somaliland oo Xukumeeso shaqalihi diyaaradi hubka Waday