
Magaalo Xeebeedka Cape ee dalka K/Afrika isla markaana ah hooyada
magoolinka dalkani, bilkastana ay usoo dalxiis tagaan in ka badan 1
hal milyan oo qof ayaa lagu qabtay siyaaradii caalimkii Soomaliyeed ee
ku caan baxay fidinta diinta islaamka ee sheekh xuseen maxamed maxamud
oo loo yaqaanay Sheekh Xuseen Cadde. oo xilligani oo kale xuskiisa
lagu qabto aduunka oo dhan.
Culumaa'udiinka, odayaasha iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo xeebeedka Cape Town ayaa waxaa ay si
weyn usoo buux dhaafiyeen xuska caalimka weyn ee aadka loogu qadariyo
dalka gudahiisa iyo dibadiisa ee sheekh Xuseen Cadde.

Xuska Mashaa’ikhda ayaa waxaa lagu bilaabay qatmooyin Qur’aan aqris oo
ay caado u tahay aalaaba Culamaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca
islamarkaana loogu duceynayo Caalimka in Ilaahey darajadooda kor usii
qaado kasoo qeybgalayaashana Ilaahey dambi dhaaf kusiiyo.

Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada siyaarta Sheekh Yuusuf Jirow ayaa
ugu horeyn Mashaa'ikhda iyo ahlu duruqyada ka soo qeyb galay xuska soo
dhaweeyay aadna ugu mahad celiyay wuxuuna Sheekha sheegay in diinta
islaamka ay walaalo lagu yahay isagoo ugu danbeyn u duceyay intii
dhimatay ee fidinta diinta usoo duubtay sidoo kale wuxuu ilaahey ugu
baryay kasoo qeybgalayaasha siyaarada in ilaahey danbigooda ka cafiyo
Sheekha la siyaaranayo sababkooda.

Siyaarada ayaa soo buuxdhaafiyay dad aad u fara badan ayagoo la
arkayay dadka qaar oo jalboonaya waxana laga dareemayay xaafada ay
Soomalida u badan tahay ee bellville in habeenkasi ay ka duwaneyd
habeenada kale, dadka meesha isugu yimidna ay ahaayeen kuwa ahlu kheyr
ah, iyadoo siyaartani ay ka duwaneyd siyaarooyinkii horay loo qaban
jiray maadaama dadka aad u farabadnaayeen ayaa sababtay in la kireeyo
howl weyn oo dadka qaada waxaana laga soo qulqulayay nawaaxiga
magaalooyinka waa weyn ee South Africa.

Sheekh yuusuf jirow oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu
waaweyn dalkani K/Afrika isla markaana aad looga qadariyo degaanka uu
ku nool yahay ayaa dadka meesha ka soo qeyb galay xasuusiyay kalmado
diini ah kuwasi oo ay aad ugu qushuuceen ka soo qeyb galayaasha
siyaarta isagoo ugu danbeyntii kuwaniyay in la isku xermo maadaama
diinta islaamka ay tahay mid qura.

Qaban qaabiyaasha Siyaarta.
Sheekh Yuusuf Jirow
Sheekh Abuukar Cali Mahdi oo wakiil ah
Sheekh Abuukar Gaab
Sheekh Cali Gacal Xasan
Sheekh Daahir Dheere
Sheekh Nuur Xuseen
Sheekh Axmed Salaad
Sheekh Muxudiin Majocowle
Sheekh Axmed nuur Sh Nuur
Sheekh C/raxman Sh. Nuur
Dariiqyada ka soo qeyb galay.
Reer Sheekh Nuur Cumar Absuge
Reer Sheekh Daa'uud Culusow
Reer Sheekh Muuse Cigale
Reer Sheekh Ibraahin Yare
Reer Sheekh Xasan Cadde
Reer Sheekh Cabdi Raxman Ow Cumar,
Reer Macalin Nuur Maxamed Siyaar
Reer Sheekh Muxudiin Celi iyo Jameeco Badan oo dadka wadanka u dhashay ka mid ah.
Culumaa’udiinka kasoo qeyb galay siyaarta.
Sheikh Axmedey suufi
Sheekh Suubiye
Sheekh Cabdi Nuur Kulumey
Xaaji Abuubakar Suuley
Macalin Xuseen Nuurow
Sheekh C/nuur Macalin Muuse
Sheekh Xasan Xayaato
Sheekh Axmed Tifow
Sheekh Axmed Sh Cali
Sheekh Saciid sh. Cismaan Xidig
Macalin Ijaabo Sheekh Cali
Xaaaji Cali Gadaf
Sheekh Gurey Kaaraan
Sheekh Salaad Xasan Cali
Sheekh Cadi Qaadir Cabdi Faarax
Sheekh Aayatulaahi
Sheekh Xasan Xayaato
Sheekh Axmed Diikow
Sheekh Cumar Cadde
Sheekh Xasan Macalin
Xaaji Muxumed Rooble
Sheekh Muqtaar Maxamud
Macalin xasan macalin nuur
sheekh ismacil cabdi
sheekh saciid xuseen
sheekh c/risaq macalin cali
Sheekh C/lahi Maxamud Jeele oo lo yaqaano sheekh cabdulaah Racey
xaaji abukar shekh xusen cade oo qadka taleefonka kaga qeyb qaatay isagoo jooga dalka denmark Iyo culumaa’udiin iyo odayaal badan oo la koobi Karin. Sidoo kale waxaa qadka taleefoonka ka duceeyay sheekh nuur cumar absuge iyo khaadumkiisa sheekh shariif maxamed maxamud, jamaacaadka siyaarta dhigayay ooo ahaa jamaacaadka reer sheekh nuur cumar absuge.




Cape town Siyaartii Shekh Xusen Cadde
Siyaartii Caalimkii waynaa allaha u naxariistee sheekh xuseen Cadde