Generaal Cadde Muuse Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Boosaaso + Sawirro

0
Tuesday February 14, 2017 - 14:31:08 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Generaal Cadde Muuse Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Boosaaso + Sawirro

    Waxaa maanta Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Aas Qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Generaal cadde Muuse.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Aas Qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Generaal cadde Muuse.

Meydka Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse) ayaa waxaa la soo dejiyey Garoonka Diyaradaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana Aaska Cadde Muuse ka qeyb galay Madaxda ugu Sarsareysa maamulka Puntland, waxgarad , culimo iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool Puntland.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Generaal cadde Muuse ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Generaal cadde Muuse ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaano Soomaaliya waxaana inta badan uu ka shaqeyn jiray Nabadda.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip