Shirkadaha Isgaarsiinta NationLink iyo Hormuud ayaa bilaabay tartan nooc cusub ah oo ay ku kasbanayaan macaamiishooda, tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu khilaaf soo kala dhex galay maamulada labada shirkadood isla markaana meesha uu ka baxay xiriirkii ka dhaxeeyay isla markaasina daaqada laga saaray lambaradii ay labada shirkadood isku wici jireen.
Suuqyada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka ayaa shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waxay ka bilowday olole ay ku kasbaneyso macaamiil fara badan, isla markaana abuurtay dad rag u badan oo makarafoono yaryar ay ku soo duubeen codadkooda dadka ugu sheegayaan in adeegga Hormuud halkii Dollar laga dhimayo 2-Kun Shilin Soomaali ah, waxaana ganacsigaasi cusub uu noqday mid ku cusub bulshada Soomaaliyeed.
Khilaafka labada shirkadood soo kala dhex galay oo soo bilowday saddex bilood kahor ayaa maalinba maalinta ka dambeysa isa soo tarayay, waxayna dadka taleefanadooda isticmaala ay ku soo baraarugeen toddobaad kahor markii ay is wici kari waayeen qadadka labada shirkadood.
Shirkadda isgaarsiinta NationLink ayaa iyana bilaabay olole ay uga hortegayaan ficilka Hormuud ay ka sameyneyso suuqyada iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin, waxayna fariimo u dirtay dhammaanba macaamiisheeda heysta lambaradeeda oo loogu sheegayo in haddii hal Kaar ku shubtaan ay u kordheyso daqiiqado ay dibadda ku wici karaan, kuwo ay gudaha ku wici karaan iyo waliba daqiiqado kale oo ay fariin qoraaleed ku diran karaan, iyadoo sidoo kale dalka keentay madaxyo taleefanka gacanta (Mobile) lagu borogaraamiyay shirkadda Isgaarsiinta NationLink isla markaasina laba kaar lagu isticmaali karo.
Ma cada ilaa iyo iminka halka uu ku dambeyn doono khilaafka ballaaran ee soo kala dhex galay shirkadaha isgaarsiinta NaitonLink iyo Hormuud, inkasta oo maamulada labada shirkad aanay weli wax hadal ah ka soo saarin sababta keentay, hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed ayaa iyagu helay faa'iidooyin fara badan oo shirkadahaasi ay ku kasbanayaan sida daqiiqadaha fareega ah ee ay bixiyaan.
Kasbashada Macaamiisha ee NationLink iyo Hormuud Halkee Buu Marayaa!!