Guddoomiye K/Xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Hormuud marxuum Axmadey Foodey ayaa maanta lagu aasay qabuuraha Barakaat ee ku yaala duleedka caasimada Muqdisho.
Allaha u naxariistee meydka marxuum Axmadey Foodey ayaa saakay laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan cadde International Airport, halkaasi oo madax dowladda ka tirsan ay kula tukadeen salaadda janaasada.
Meydka oo loo galbiyay qabuuraha Barakaat oo lagu aasayo, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo galbiyay madax ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo boqolaal dadweyne ah.
marxuum Axmadey Foodey ayaa markii la aasay waxaa dadweynaha khudbad u jeediyay Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Axmed Nuur Cali Jimcaale, wuxuuna sheegay in marxuumku uu ahaa mid ku fiicnaa gudasha cibaadada Alle, isla markaana sadaqo fara badan la bixi jiray xilligii uu noolaa.
Waxaa kale oo uu ka dalbaday dadweynaha inay iska cafiyaan marxuumka cid kasta oo wax ka tabaneysa, isagoona sheegay in qof kasta oo bani'aadam ah la dhigayo iilka, sidaas darteedna loo baahan yahay in umadaha Islaamka ah ay la yimaadaan camal wanaagsan.
Dhinaca kale allaha u naxariistee Axmed Foodey oo ahaa Guddoomiye K/Xigeenkii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa sidoo kale waxa uu ka mid ahaa asaasayaasha shirkadaasi, isagoona dalka Switzerland laga soo qaaday meydkiisa, kaddib markii dalkaasi loo geeyay xaalad caafimaad xumo oo maalmihii u dambeeyay la xanuunsanayay.
K/Xigeenkii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo maanta lagu aasay Muqdisho + Sawirro
Guddoomiye K/Xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Hormuud marxuum Axmadey Foodey ayaa maanta lagu aasay qabuuraha Barakaat ee ku yaala duleedka caasimada Muqdisho.