Waxa Qilaaf xoogani oo xaga kasbashada Macamisha ka dhax qarxay labada shirkad ee ugu tunka weyn shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya kuwaasi oo suuqa ganacsiga dhax dhigay fursadooyin lagu kasbanayo shacabka somaliyeed kuwaasi oo labaatanki sano ee burburka aanu helin shirkado kutartamo.
Sadexda Shirkadood ee ugu waa weyn isgaarsiinta Soomaalida ayaa waxa mudo laga joogo dhowr sano ay heshiis ku gaareen in Simcard —yadooda is wacaan iyagoo kuheshiiyay in qiimaha lagu wacdo telfoonada dibada iyo gudahana qiiimo fadhiyo laga dhigo, hasa yeeshe mudo kadib waxa heshiiskani isku qilaafay shirkadihi heshiiska wada saxiixday ee ku shirkoobay inaan shacabka meelna uciirin .
Hasa yeeshe qilaafka iyo kala shakiga soo kala dhax galay shirkadahaani ayaa waxuu fursad qaali uyahay shacabka somaliyeed oo iyaga sicir barar xaga telfoonada wehel u ahaa .
Tartanka Cusub ee shirkadahaani ayaa ahaa kadib marki shirkad walba macamiisheeda si gaar ah ugu dirtay ogeysiis qiimo dhimis ah taasi oo shirkad walba gaarsiisay ebed qiimo aan lagu dirsan telfoonada gudaha taasina keentay in dadka ay ku yaacaan suuqayada iyo goobaha lagu iibiyo kaararka shirkada.
Mid kamid ah maamulada suuqgeysnta Shirkadahanai ayaa shabakada warsheekh usheegay in ay aad uga dareemeen iibsiga kaararkooda suuqyada bacdamaa qiimo dhimista ay sameeyeen ay dadka ku dhiiro galineeso inay wax badan ay ku hadlaan taasi oo marki hore ka dhigi jirtay in qofka uu hadalkiisa koobo . Hadaba waxa habeenki xalay ahaa markale qiimihi telfoonada hoos usii dhigay shrikada Hormuud oo iyada fariin telfoonada ugu qeybisay macamisheeda kusheegtay in halki daqiiqo oo gudaha ay kudiri doonto 0.05$ From 7:00Am ilaa 09:59Pm iyadoo qofki ku hadasha habeenki ay kudirsan karto 0.035. From: 10:00Pm ilaa 06:59Am
Hasa yeeshee waxa daqiiqado kadib markale iyagana fariimo ogeysiis qiimo dhimis ah helay macamiisha shirkada Nationlink oo macamaisheeda ugu bishaareesay in halki daqiiqo ay kudirsan karaan 0.04 From 7:00Am ilaa 08:59Pm halka laga bilaabo From: 09:00Pm ilaa 06:59Am 0.03
Mid kamid ah Macamiisha iskuheesta Simcard-yada labada shirkadoo ayaa Xafiiska shabakada Warsheekh ee Muqdisho usheegay in tartankaani oo gelinayo himilo farxad leh, Wuxuuna si qosol leh kusheegay kadib marki fariinti hore ee ogeysiiska xalay ka helay shirkada hormuud oo go’aansaday inuu gabi ahaan uwareego Adeega Hormuud hasa yeeshe waxa uu markale ujanjeersada dhanka shirkada Nationlink kadib marki uu kahelay qiimo dhimis kasii hooseeyo kan shirkada Hormuud isagoo sheegay in isaga iyo saaxibadiis dhamaan ay wada qaateen Simcardka nationlion isagoo hadalkiisa sii raaciyay oraahda caan baxday ee ah” Dadku Waa Danley”.
Tartanka Cusub ee Nationlink iyo Hormuud & Fa’iidada Shacabka