Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhoobley ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in degaanka Diif saakay lagu arkay diyaaradaha qumaatiga u kaca, Taangiyo iyo ciidamada Komandoska, kuwaasi oo iyagu howlgalo ka sameynayay xadka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in gawaarida gaashaaman oo ay hareer socdaan ciidamada dowladda Kenya ay soo gaareen degaanada xadka, gaar ahaan degaanka Diif oo dhinaca Soomaaliya ka tirsan, lamana oga qorshahooda ay halkaasi ku yimaadeen inkasta oo wararka aanu ka heleyno ay sheegayaan inay xireen waddooyin dhowr ah oo laga soo galo xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dalka Soomaaliya.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin ciidamada Dowladda Kenya ayaa iyana dul heehaabayay degaanada dhinaca Diif, dhinaca dalka Soomaaliya iyagoona halkaasi ka bilaabay howlgallo iyo ugaarsiga kooxda ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacida, ayna uga cabsatay inay dalkooda soo galaan.
Isu socodka xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya dadkii isaga gudbi jiray ayaa cabasho ka muujiyay xiritaanka ciidamada dowladda Kenya, iyagoo sheegay inay hakadeen dhammaanba isu socodka dadka, ganacsiga iyo xiriirka ka dhaxeeya degaanada deriska ah ee labada wadan.
Dhinaca kale ciidamada xarakada Al-Shabaab ee ku sugan gobolka J/hoose ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay ugu diyaar garoobayaan inay iska difaacaan weeraro uga yimaada dhinaca Kenya, waxaana sidoo kale iyana degaanka Diif dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay ciidamada uu hoggaaminayo Sheekh Axmed Madoobe oo dhowaan halkaasi ka qabsaday.
Kenya oo Taangiyo soo Dhoobtay Xadka Somaliya lawadaagto