Qaraxi Kampala oo laga soo abaabulay Soomaaliya iyo Kenya

0
Monday December 06, 2021 - 22:37:58 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxi Kampala oo laga soo abaabulay Soomaaliya iyo Kenya

    Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Kampala , ee ay ka dambeysay kooxda Daacish, in lagasoo abaabulay Soomaaliya iyo Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Kampala , ee ay ka dambeysay kooxda Daacish, in lagasoo abaabulay Soomaaliya iyo Kenya.

Museveni ayaa sheegay in Uganda ay hayso cadaymo muujinaya in ismiidaamintii ISIS uu ahaa weerar ay iskusoo dubarideen kooxo ku sugan Somalia iyo Kenya.

"Qaraxyadii Kampala ka dhacay dhawaan, waxaan haynaa xoogaa calaamado ah oo ah inay isku dubarideen kooxaha ku sugan Kenya iyo Soomaaliya," ayuu Museveni ku yiri wareysi uu siiyay Reuters.

Qaraxyada ka dhacay bartamaha caasimadda Uganda oo ay ku dhinteen illaa saddex, ayaa keentay in Museveni uu 1,700 askari u diro dalka ay jaarka yihiin ee Jamhuuriyadda dimuqraadiga Koongo.

Uganda iyo Congo ayaa dhawaan si wadajir ah duqaymo cirka iyo madaafiicda ah uga fuliyay bariga Congo, kuwaas oo lala beegsaday malayshiyaad taabacsan Daacish sida ay xaqiijiyeen labada dal.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip