Waxaan qaybtan
uga hadli doonaa waxa la gudboon bukaanka hadii xanuunkan lagu sheego .
Marka hore
waa in qofku ogaado in xanuunka kolestrolku uu yahay mid ka mid ah dhowr sheey
oo sabab u ah xiranka xididada dhiiga (etherosclerosis), sidaas daraadeed waa
in aan abaarno sidii aan u yareyn laheyn kororka kolestrolka iyo xiranka wadada
dhiigu maro.
Waxyaabo la
gudboon in uu bukaanku sameeyo
· Waa in uu joojiyaa cabida sigaarka(hadii
uu cabbi jiray) taas oo kordhisa qatarta cudurka iyo in uu qofku asiibo wadno
xanuunka.
· Waxaa wanaagsan in qofkuwax ka
bedelo qaab cunteedka aan caafimaadka u fiicnayn waana in uuu bayro
cunistaqudaarta, fruitska, kaluunka IWM. saliidana waa in uu
isticmaalo oliveolie, (saliid zaytuunka)sidoo kale malaha dhibaato in aad
si dhexdhexaad ah u cunto cunada kolestrolka uu ku badan yahay sida ukunta, rejer,krabbe,
ost(jubnada) iwm.
· Jimcsiga waxa uu u wanaagsan yahay ka
hortaga xanuunka haleela wadnaha yo xididada dhiiga qaada (1,5 km) in aad
socoto maalintii waa wax aad u fiican, jimicsiga aadka ah sida in aad orodo ama
aad bushkuleeti isticmaasho iyadana waa ok hadii aadan dibada u buxi Karin
isticmaal baaskiilka ama qalabka lagu jimicsado eeguriga la
dhigto,waayo jimicsigu waxaa uu yareeyaa sameysanka xinjraha xira
xididada.
· Cayilku ama buurnaanshuhu waa horseedaha
xanuunka kolestrolka marka la dagaalan hadba inta aad kari kartid,
qaasatan baruurta caloosha fariisata.
Sida loo
baaro.
Waxaa
dhakhaatiirtu sameeyaan in ay ku yiraahdaan qofka laga baarayo xanmuunkan
soon ilaa 10 saacadood marka ay baarayaan kolestrolka xadigiisa, dhiig ayaa
laga qaadaa qofka iyadoo la fiiriyo heerka LDL-kolestrol, HDL- kolestrol
iyo triglyseridka (oo ah maado ka kooban glyserid iyo 3 fatty acid)
Sidoo kale
waxaa la qaadaa elektrokardiogram(ekg) oo lagu dhageysto wadnaha iyo
xididada waa weyn ee dhiiga qaada waxaana uu sidaas dhakhtarku ku helayaa
sawirka ah sida xaalku yahay in uu jiro xanuunka (Atherosclerosis) iyo
in kale.
Aan u gudbo daawada la
isticmaalo qeybaheeda,waxtarkeeda iyo waxyeelada ay keento ( side effects).
1) STATINS
Waa magaca guud nooc
daawada ka mid ah taasoo u shaqeysa in ay xayirto in uu beerku sameeyo
kolestrolka oo markaa laga sameeyo waxa loo yaqaano bile acid oo ah maadada
keenta in cadiinta ama fatska aan cuno uu u soo gudbo xaga beerka si looga
sameeyo lipoprotienska sida VLDL oo isu bedala LDL ka oo ah kan keena
waxyeelada marka uu kordho.
MEVASTATIN waxaa loo qaataa kaniin
ahaan wuxuu yareeyaa LDL and VLDL
Side effects
-
caloosha oo kacda, hurdada oo yaraata iyo jirka oo kalarkiisu
wax isbedel ah aad ku aragto.
LOVASTATIN
and SIMVASTATIN waxay la mid yihiin MEVASTATIN.
2)FIBRATES
waxay yareeyaan keydka cadiinta ama fatska jirka
taasoo oo keenta ugu dambeyn in uu yaraado VLDL ka iyo LDL ka.
-kelyaha oo hadii uu
xanuun hore jiray ay waxyeelo deg deg ah ku keeni karaan, protienka xambaara
oxogenta oo kaadida ku bata (hemoglobinuria).
- caloosha oo aad ka
dareento kacsanaan
FENOFIBRATE, CIPROFIBRATE, BENZAFIBRATE iyo kuwo
kale ayaa ka mid ah .
3) RESINS
Waxaa ay qabsadaan bile
acidka oo ah maado cadiinta aan cuno ka dhigta waxyaabo yar yar oo sida kubada
oo kale ah (micels) si ay u fududaato in fat-ku uu u gudbo qeybaha jirka
(absorption) beerka.
Markaa waxaa dhacda in uu
yaraado bile acidska taas oo hakad gelisa in fats-ka badan uu ka gudbo xaga
mindhicirka yar una gudbo beerka si looga sameeyo VLDL oo ugu dambeyn
keena in uu noqdo LDL, sidoo kale waxaa kordha recepterada LDL-ka kuwaas oo
LDL-ka ka saara wareega dhiiga (circulation) waayo LDL-ku waxaa uu u qaadaa
kolestrolka xaga dhiiga taasoo ugu dambeyn keenta in uu xirmo duleelka
(lumen) xididka dhiigu maro kedibna wadnaha ayaa shaqada gebi karaya iyo
xubno kale.
Sidoo kale HDL-ka waxaa uu
ka soo qaadaa kolestrolka unugya dushooda (cell membranes) iyo xididada dhiiga
qaada waxaana uu lidi ku yahay waxyeelada LDLka.
HDL-ka waxaa kordhiya
jimicsiga laakiin habka uu u kordho lama garanayo (mechanism).
Side effects
Qaybta sare ee caloosha oo
ku cuslaata ( feeling of un ease), mantag ama hunqaaco sida uu qofba u yaqaano
iyo shuban,
COLESTYRAMINE,
COLESTIPIL ayaa iyana ka mid ah.
Waxaa jira daawooyin kale
oo lagula dagaalamo xanuunka laakiin intaas ayaan ku soo koo bayaa
Qoraalkan waxaan isku
dayay in aan fududeeyo si akhristuhu u fahmo laakiin adinka ayaan idin daynayaa
sida aad u aragtaan waxaan halkaan uga mahad celinayaa alaah sare ahaaye iyo
rusushiisa oo uu nabi Mohamed ugu dambeeyay (csw)
Sidoo kale dhamaan dadka
igu dhiiri galiyay qoraalkan kuwa faafiyay iyo akhristayaasha.
Wixii sixid ama kordhin ah
waan soo dhawenayaa.
Fg. Fadlan inta aadan
isticmaalin wax daawo ah la tasho dhakhtarkaaga.
Waxaa diyaariyay Abdirahmaan Ahmed Mohamed (xoogsade)
Waxaa gacan ka geystay
Hayadda samafalka ee soeeg.
Cand, Science.
Xanuunka kolestrolka (Atherosclerosis) Q 2aad