Wariye iyo War gure Maxaa kala haysta?Q:2AAD.

0
Saturday July 19, 2014 - 00:15:40 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye iyo War gure Maxaa kala haysta?Q:2AAD.

    Markii ay ballameen Xildhibaan Raamsade iyo War Gure Xurguf ayaa waxaa hawsha dhammeystirkeeda u dhaqaaqay, Xildhibaan Raamsade oo il cusubi u furantay, Warbaahintii Beeshuna gacantiisa soo gashay maadaama lagala tashanayo shaqaalaheeda iyo arrimahee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ay ballameen Xildhibaan Raamsade iyo War Gure Xurguf ayaa waxaa hawsha dhammeystirkeeda u dhaqaaqay, Xildhibaan Raamsade oo il cusubi u furantay, Warbaahintii Beeshuna gacantiisa soo gashay maadaama lagala tashanayo shaqaalaheeda iyo arrimaheeda xasaasiga ah.

Xildhibaan Raamsada ayaa gudagalay siduu u gudan lahaa xilkii uu tuurka u ritey guntigana dhiisha isaga dhigay. Xildhibaan Raamsade, waa nin ka tirsanaa shaqaalihii dowladdii kaligi taliyaha ee la burburtey sinnaan la'aan iyo garsoor xumada, markii dambena wuxuu ahaa degel fadhi dowladahii kala duwanaa ee dalka soo marey, midba waxbuu ka soo noqdey. Xildhibaanku wuxuu 21 sano ku noolaa oo yaqaan meeshii wax uga badhiiqaan ilaa gunta xaadho inuusan ka hadhin, ninba si is leh, waxaa u hillaacay. Xildhibaan Raamsade inuu kaartaduu shirkadda Telefishinka, "TVga Codka Beesha” uga mid noqon lahaa inuu wax walba sameeyo, isla markiiba wuxuu la xidhiidhay JABSHE.

X. Raamsade: Hello, waryaahee Jabshe xaaladda ka warran? Maxaad haysaa maanta?.

Jabshe: ayaa la sare joogsaday Xildhibaanka maadaamay ay dhawr maalmood wada qayileen sheekaduna isugu baxdey. Saacadatal Xildhibaan waa isoo siyaaratey maanta ee waa kuu fiicanahay ii warran?.

X. Raamsade: ayaa yidhi iigu kaalay gurigii "Fadhiyo Xun” Qorshe iyo qaadba anigaa kuu haya, lacagtii qadadaa waxaan kuugu soo direy Mobilkaaga ee ka dhex eego.

Jabshe:ayaa isaga oo farxad aan la qiyaasi karin ka muuqato, ayuu yidhi; saaxiibbayaal, bacdan garaabada ku jirta cuna, waxaan u casuumanahay nin madaxa waa inoo caawa. Xertiisii ayaa uga mahadcelisey, waxayna la yaabeen, Jabshe oo ahaa: "Xabaali qori saar maahine qori ka qaad ma leh” oo maanta qaadkiisii ku wareejiyey.

Jabshe ayaa albaabka ka soo galay xildhibaankii oo keligii qol fadhiya, salaam weyn iyo marxabbaysiin ka dib waxaa la guda galay fadhigii iyo sheekadii loo socdey. Jabshe ayaa hadalkii furey oo yidhi, Xildhibaan maanta si weyn baad ii casuuntay adigoo mahadsan muxuu ahaa qorshahaad sheegaysay,

Xil. Raamsade: ayaa yidhi; qorshe labadeennaba noo dana ayaan kuu hayaa, laakiin, waa haddaad i fahanto.

Jabshe ayaa yidhi; xildhibaan waxaan ahay nin waayo arag ah, ragna wax ka yaqaan ee wax ii bidhaami, wixii wax noogu jiraan waxba isla waayi maynee.

X. Raamsade ayaa sheekadii iba furey oo yidhi; waxaan ku weydiiyey horta weligaa Radio ama Idaacad ama Tv ma ka shaqaysay?.

Jabshe: Maya weligay kama shaqayn, balse, saw meel hadal laga sheego maaha? Anigu hadal uun baan dhaqdey intii umaddu wax kale dhaqanaysay.

X. Raamsade: Saasaa lagaa rabaa, waxaan kuu hayaa shaqo cusub, waxaad noqonaysaa, Wariyaha u fadhiya Magaalada Baydari, Tvga Codka Beesha, qarashkaaguna waa diyaar ee waxaa lagaa doonayaa inaad qalabkaaga iyo dadka kula shaqaynaya ee filimmada kuu duubaya keensato, wararkana adigaa yaqaan meesha aad ka keenayso, waxaase lagaa rabaa war dhiiggu da’ayo oo dadka dhegahooda sida gambaleelka ama jaraska kasii qayliya!

Jabshe ayaa yidhi; waxaa igu cuslaan lahaa wax kale, balse, tani waa tan iigu sahlan, waxaanan kaa ballan qaadayaa inaan warar aan horena loo maqal kii maqlaana ka shallaayo inaan keeno, saxda haddaanan qalad ka dhigin, qaladkana aanan sax ka dhigin, oo wax badan "dhegay far" la odhan waxba hay weydiin.

X. Raamsade: Warkaasaa igu soconaya, dhinaca qalabka maxaad ka tidhi? Iyo farsamada haddaadan horre u aqoon.

Jabshe: Waxaasi waa fudeyd, horta Kamarad iyo culeyskeeda looma baahna, Mobil weyn oo Shiinees ah ayaan qaaddanayaa, ama Bahalahan balaadhan ee wax lagu duubo, waxaa kuu soo hadhay, Jarjaridda iyo isku dubaridkeeda, waxaan qadada u qaadayaa ciyaalkan Jaamacaha Kambuuterka ka baxay ee darbiyada Afku ku qalloocdey, Rubuc iyo qado ka dibna hawshayda oo dhan iyagaa kala tuuraya, weliba markii loo helo ayaa la siinayaa, war ma nin Baydari joogaa wuxuu doonaya waaya.

X. Raamsade: ayaa aad ugu qushuucay sida uu u helay ninkii loo direy iyo sida uu ugu jajaban yahay shaqada, sidoo kale, wuxuu u qusuucay Xariifnimada iyo reer magaalnimada Jabshe, nin aan weligii Wariye noqon, oo aan xeer iyo xukun saxaafadeed aqoon, haddana ku dhiirran oo doonaya inuu wuxuu rabo sameeyo.

Wuxuu yidhi; Jabshoow, aniguba Jaamacadna kama bixin, aqoon kale oo dheeraadana ma lihi, laakiin, weligay meel wax lagu cunayo kama fogaan Xalaal iyo Xaaraanba, maantana waanigaa xildhibaanka ah, Telefishinka inaad gacantayda soo gelisaan doonayaa, dee fadhigeenuna waa "Fadhiyo xun” Hawshana halkaas ka wad, asxaabtaydana kuwa mucaaradka iyo kuwa wax qasa oo dhanna waa kuu soo tilmaamaya, wixii doonaya inay meel naqaska ku sii daayaan, ka duubo kistaada una duub arrinkooda, dee markaad koox soo diraba waa daba socdaa ee telefoonka sanqadhiisa aan maqlo "Lacagta ku soo shub” ballantana ha ka bixin.

Jabshe: Xildhibaanoow, ninka Telefishinku Londan xoogsi buu u joogaa, Xildhibaankuna Dowladda xoogsi buu ugu jiraa, aniguna Baydari xoogsi baan joogaa, meeshay lacagtu jirtaan jiraa, anigu cid kale uma joojiyo, waxna igama gelin, halkaa intuu calaacasha dhuunta saarey, ayaan wax ka maqlaa waxna ka arkaa waxna ka gartaa!

X. Raamsade: ayaa arrinkii ku qancay, wuxuuna telefoonka dib ugu celiyey: War Gure Xurguf sidii Ballantu ahayd, wuxuuna is barey, isaga iyo Jabshe, si fiican ayaana laysu af gartay.

W. Xurguf: Haddii sidaa aad sheegtay Jabshoow aad tahay shaqada waa ku siiyey berri laga billaabona, waxaan doonayaa inaan maqlo Wariye Jabshe Magaalada Baydari qosolna waa u raaciyey aniga waxba igama gelin inaad xirfad u leedahay iyo in kale, balse, waxaan doonayaa in wararkaagu noqdaan, kuwa cirka iyo dhulka ruxan ku rida saw waxaad garatay maaha? Bal hadda hal war oo tijaabo ah i maqashii?

Jabshe; Waxaa maanta lagu dilay waddada dheer oo duulkii qaaday ma noola, Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka, Xildhibaanka ayaa waxaa dilay rag ku hubaysan Qoryo iyo Baastoolado, sidoo kale, watay Baabuur nooca loo yaqaan Raaxada, Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegaya sida aanu ka helaynay, ilo muhiima oo lagu kalsoon yahay iyo xubno ka tirsan Madaxda dowladda oo magacooda qariyey in dilkiisu uusan ahayd mid ay fuliyeen Kooxda Alshabaab, balse, loo aananaynayo Madaxda sare ee dalka. Muddooyinkan ayaa waxaa kordhayey dilalka loo geeysanayo Xildhibaanada iyo Dadka waxgalka, iyadoo loo aanaynayo inay yihiin dadka ka soo horjeeda nidaamka Madaxda dalka ka talisa, Qaraxyada iyo Dilalka ay fuliyaan Kooxaha Haybtooda aan la garanaynayaa dhammaantood ayaa salka ku haya arrimo siyaasadeed, dhul iyo iyo aargoosasho beeleed daawadayaal halka warkaasi idiinka imanayo waa; Telefishinka Codka Beesha ee Caalamiga Jabshe, Magaalada Baydari.

Jabshe oo si wanaagsan u iftiimay sida uu u gudan karo shaqadiisa ayaa yidhi, haddaan madaxdu intey ku soo wacdo halkaana laguugu siin wax alaale waxaad doonayso, xil iyo xoolo, oo aanan dhegaha faraha la gelin, dhul gariirna aanan ku ridin, madax iyo ganacsatoba waxba hay weydiin.

W. Xurguf ayaa arrinkaa u riyaaqay, aadna ugu mahadceliyey Xildhibaan Raamsade isagoo leh warkaas isla caawa ma soo diri kartaan, haddana wuxuu gaar ula ballamay inuu soo wici doono beri galab arrin kalena ay ka wada hadli doonaan oo muhiima Xildhibaan Raamsade.

 

La soco qaybta dambe iyo arrinta ay ka wada hadlayaan, Wargure Xurguf iyo Xildhibaan Raamsade.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip