Gabayga:12AAD "DA'YAR" ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

0
Saturday July 05, 2014 - 09:00:29 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga:12AAD "DA'YAR" ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

    Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala joo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala jooga adduunyada daafaheeda.

Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed lagula dagaallamayo Cudurka dilaaga ah ee la hadhay umadda Soomaaliyeed guri iyo Gobol ay joogtaba, Suugaanta ayaa waxaa la doonayaa inay horseed ka noqoto kacdoon ka dhan ah QABYAALADDA iyo in lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed oo ay qabyaaladdu wiiqdey wadajirkooda iyo wada noolaanshahooda, Silsiladda ayaa ah mid hal ujeedo ka mideysan oo aysan jirin sidii lagu yaqaanay Silsiladdaha Suugaanta aragtiyo kala duwan, balse silsiladdan ayaa ah hal DAWO oo la wada doonayo iyo Cudur caafimaadkiisa la wada goobayo.

Gabay weliba xaladiisa ayuu leeyahay Hal abuur weliba wuxuu ku cabiraya Aragtidiisa wuxuun sheegayaa dhibkeeda iyo qaabka loo dabargooyn karo, iyo sida looga badbaadi karo, Silsilladan ayaa waxay ka billaabatey Baraha xidhiidhka bulshada ee loo yaqaan "FACEBOOK" Golayaal Suugaaneed oo ay dhallinyarada iyo suugaanyahanadu ku kala war qaataan, golahayaashaas ayaa kala a "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" Haddaba gabaygan oo noqon doonaa mid ka mida Silsiladaa kor aan kaga soo hadalnay, waxaa la yidhaahdaa "DA’YAR”

 

 

 

CURIYE:Ahmed A. Nour

AMMINTA:- 2-6-2014 isniin 11:00 pm

GABAY: DA’YAR

 

1. Qalinloow baryahan sooma dayn, Gabay daryaankiiye

2. Dabuubtiisa waataan dhigeen, Deellay soo xidhaye

3. Hayeeshee waxbay daarayoo, Jiifki maan dayine

4. Halis uu dadkaygani galaan, Kaga dulqaadaaye

5. Maantaanan dabarkii ka furay, Daalac ugu laabo .


6. Qabyaaladani duugawdayeen, Abid ladaaqayno

7. Dirkeenani lakala soocayee, Samaha loo diiday

8. Waa dabin shisheeyuhu dhigoon, Dubuq nidhaahnaaye

9. Darxumiyo wixii uu na baday, Diif xun iyo gaajo

10. Dulmigiyo wuxuu sabab u noqon, Dhiiga lagu daadsho

11. Qof kastoo damiir lihi wallee, Wuu damqanayaaye

12. Duqaydii horaan joojinoo, Dabarjar gaadhsiine

13. Ama daayim ka xijaabayoo, Daahna laga saarye

14. Da'yarteenan baa laga rabaa, Inan dawaynaaye

15. Qabyaaladi inay daran tahoo, Laysku wada dooxi

16. Rasuulkii ilaah soo diraa, noo Daliiliyaye

17. Duqii ina suldaanbaa ku daray, Dumiya weeyaane

18. Anna Maanta Waan Sii Dullayn, Oon ka digayaaye

19. Nin qabyaalad doojaan walee, Darajo gaadhayne

20. Damanihii walaalkii xaqiray, Diinta ka fogaaye

21. Anaa kaa dun wacan iyo anaa, Kaa dadnimo fiican

22. Hadalkaasi dacarbuu dhalaa, Daano iyo hooge

23. Daris iyo waxaan nahay walaal, dana-wadaag guude

24. Dulqaad iyo waxaa wacan samaha, Inan ku deeqnaaye

25. Hormoodkii dadkeenaynu nahay, Degel an joognaaye

26. Doc kalena an eegee bulshooy, ilayar daymooda.
 

27. Siyaasigani dalanbaabigee, Dibada meeraaya

28. Ee waagii dilaacaba xumaan,Daba-ruclaynaaya

29. Dabka shidi ogee Daris-wadaag, Dira diraynaaya

30. Kaasaa Dadkii diloo, Dakharna noo yeelay

31. Dunidiina naga reebayoo, Dibu-dhac noo keenay.
 

32. Awrkani rarkii daadiyee, daahirka ahayn ba

33. Ee Duulki soo daajin jiray, dilaya ee laayay

34. Dad-Shisheeye soo diranayaan, Daacad u ahaani

35. Kaasaa Dadkii diloo, Dakharna noo yeelay

36. Dunidiina naga reebayoo, Dibu-dhac noo keenay.


37. Xukun kuwan u daalaaya’ee , Damaca Mooryaan le

38. Ee dano hunguri uun watee, Xilalka doonaaya

39. Cadawguna kusoo daba jiree, Shilin dareemaynin

40. Kaasaa Dadkii diloo, Dakharna noo yeelay

41. Dunidiina naga reebayoo, Dibu-dhac noo keenay.


42. Waxba yuusan gabayguna durkune, Waxan kusoo duubay

43. Dariiqii ilaahay walaal, Dib ugusoo laabta

44. Dunidani majoogayno ee, Daayim ka cabsooda

45. Diir iyo Ushiisii noqdoo, Dumiya reer-reerka

 

CURIYE:Ahmed A. Nour

AMMINTA:- 2-6-2014 isniin 11:00 pm

GABAY: DA’YAR

Fiiro Gaar ah:-

 
Haddaad dooneyso inaad ka qayb qaaddato Silsiladdan waxaad ku soo gudbin kartaa Gabaygaaga, Bogga Facebooga, ee "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" ama Emailada kala ah:

Xasan Abiib Faarax (Xasan Daaci)Daaci77@hotmail.com

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.Galayr1977@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip