Gabayga:11AAD "MACNE MA LEH QABYAALADI" ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

0
Wednesday July 02, 2014 - 16:11:17 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga:11AAD "MACNE MA LEH QABYAALADI" ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

    Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala joo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala jooga adduunyada daafaheeda.

Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed lagula dagaallamayo Cudurka dilaaga ah ee la hadhay umadda Soomaaliyeed guri iyo Gobol ay joogtaba, Suugaanta ayaa waxaa la doonayaa inay horseed ka noqoto kacdoon ka dhan ah QABYAALADDA iyo in lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed oo ay qabyaaladdu wiiqdey wadajirkooda iyo wada noolaanshahooda, Silsiladda ayaa ah mid hal ujeedo ka mideysan oo aysan jirin sidii lagu yaqaanay Silsiladdaha Suugaanta aragtiyo kala duwan, balse silsiladdan ayaa ah hal DAWO oo la wada doonayo iyo Cudur caafimaadkiisa la wada goobayo.

Gabay weliba xaladiisa ayuu leeyahay Hal abuur weliba wuxuu ku cabiraya Aragtidiisa wuxuun sheegayaa dhibkeeda iyo qaabka loo dabargooyn karo, iyo sida looga badbaadi karo, Silsilladan ayaa waxay ka billaabatey Baraha xidhiidhka bulshada ee loo yaqaan "FACEBOOK" Golayaal Suugaaneed oo ay dhallinyarada iyo suugaanyahanadu ku kala war qaataan, golahayaashaas ayaa kala a "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" Haddaba gabaygan oo noqon doonaa mid ka mida Silsiladaa kor aan kaga soo hadalnay, waxaa la yidhaahdaa "MACNE MA LEH QABYAALADI”





1. Ma’da gabay baryahan maxamadow, waanigaan mudine

2. Maanka iyo laabtaan ka nacay, muhashadiisiiye

3. Balaan mariyo maatana midday, murugo iigaysay.


4. Anaa mudan anaa kaa mugwayn, midho ku faankaaga

5. Anaa muruqna kaa badan intaad, muran ku doodayso

6. Anigaa wax maamuli kariyo, meel dhow ka hadlayso

7. Maangaabka nacaska ah intaad, umad u maagayso

8. Magan baanu layniyo intaad, madhax ku taahayso

9. Danbi mawle kuu qoray intaad, magac ku doonayso

10. Layskama mirqaame intaad, muxammed caayayso (scw)

11. Maytiyo nin waa hore la dilay, cay u marinayso

12. Waa waxa rageenii madhsaday, magaca waynaaye

13. Waa waxa malyuun farac ka dhigay, maalintii cadawe

14. Waa waxa madawgaana dhigay, mudanti soomaali

15. Waa waxa masiibooyinkaa, madaxa noo saaray

16. Waa waxa magaalooyinkeen, roob ka maanacaye

17. Waa waxa madluun naga dhigee, dibad na meermeershay

18. Waa waxa muraadsade na baday, madaxa soo duubta

19. Maalma weeye duniduye hadaan, mawle laga yaabin

20. Nabadana la wada maalin oo, samuhu maashaynin

21. Midigtiyo wadnaha laysku qaban, muxubbo aan guurin

22. Xumahana la maarayninoo, layska wada maydhin

23. Ruuxii gaf maamula la qaban, aan la marin xaal san

24. Maqashiyo la wada raacan geel, maalka gabigiiba

25. Qayrkeen halkuu maray wallee, maadhe lama gaadho

26. Mushkilado wallee lagama baxo, qolo is maageede

27. Magta iyo dhibaatada wallee, lama maqaar saaro

28. Danbigaad maxaaftana wallee, malag ma dhaafayo

29. Xantu waa masiibee rag yahow, mawle ka cabsooda

30. Macna male qabyaaladi ragyahow, Loo Mushxaradaaye

31. Ka masuugoo ceebtoo ka hadha, Reer la magacaabo .

 

Gabayga:- "MACNE MA LEH QABYAALADI”.

CURIYE: Yaxye Bookh

 

Fiiro Gaar ah:-

 

Haddaad dooneyso inaad ka qayb qaaddato Silsiladdan waxaad ku soo gudbin kartaa Gabaygaaga, Bogga Facebooga, ee "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" ama Emailada kala ah:

Xasan Abiib Faarax (Xasan Daaci)Daaci77@hotmail.com

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.Galayr1977@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip