Gabayga:13AAD "TABANTAABO ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

0
Saturday July 19, 2014 - 23:50:21 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga:13AAD "TABANTAABO ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

    Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala joo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala jooga adduunyada daafaheeda.

Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed lagula dagaallamayo Cudurka dilaaga ah ee la hadhay umadda Soomaaliyeed guri iyo Gobol ay joogtaba, Suugaanta ayaa waxaa la doonayaa inay horseed ka noqoto kacdoon ka dhan ah QABYAALADDA iyo in lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed oo ay qabyaaladdu wiiqdey wadajirkooda iyo wada noolaanshahooda, Silsiladda ayaa ah mid hal ujeedo ka mideysan oo aysan jirin sidii lagu yaqaanay Silsiladdaha Suugaanta aragtiyo kala duwan, balse silsiladdan ayaa ah hal DAWO oo la wada doonayo iyo Cudur caafimaadkiisa la wada goobayo.

Gabay weliba xaladiisa ayuu leeyahay Hal abuur weliba wuxuu ku cabiraya Aragtidiisa wuxuun sheegayaa dhibkeeda iyo qaabka loo dabargooyn karo, iyo sida looga badbaadi karo, Silsilladan ayaa waxay ka billaabatey Baraha xidhiidhka bulshada ee loo yaqaan "FACEBOOK" Golayaal Suugaaneed oo ay dhallinyarada iyo suugaanyahanadu ku kala war qaataan, golahayaashaas ayaa kala a "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" Haddaba gabaygan oo noqon doonaa mid ka mida Silsiladaa kor aan kaga soo hadalnay, waxaa la yidhaahdaa "TABANTAABO”

 

1. Todoba iyo todoba layskudaray, Wadarta oo toosa

2. Tiradaaba wuu garan karaa, Ruux tacliin lihiye

3. Iskuulkaba haddii uusan tagin, Sow u toban maha ?!

 

4. Ta’-doo godan Cukashow markii, Laamka lagu taagay

5. Oo Beelay lagusii tidcee, Dibinta loo tuujo (dibinta laqaniino)

6. Sow "Tolbeelay” noqonmayso iyo, Buun la todhin heèdhe?!

 

7. Anigoo tiriigii shitiyo, tooshash iyo laambad

8. Tagsiyadu sunsumayaan cabdow, lamigii togane

9. Culimadu tuftoodii wadaan, Iyo taxliishiiba

10. Oo geelu ii tubanyahoo , Tiriyo dheeraadyay

11. Tigaad adhigu ii daaqayiyo, Meel nimcadu taallo

12. Oo gamaanku ii taaganyahay, Aan ku tamashleeyo

13. Ooy TIMIRO ii doonan tahay, Yaradna aan tuulay

14. Anoo tima-haldhaalay aroos, Laygu taban-taabin

 

15. Waatay tolla’ayeey dhaheen, Niman is-taag-dhoowray

16. Waakii qabiil lagu tallamay, Tacabirkiisiiye

17. Waakii ku kale taahayee, Tabay waxaan oollin

18. Waakii iblayskuna tashee, Yidhi ninkii taag leh

19. Timirtaa hasoo goosto oo, Hawtashado aayar

20. Toobkihii milaallaa markii, Loo tartamay waalli

21. Nin waliba halkay tabar dhigtuu, Amar-kutaagleeyay

22. Aqal samo kutaagnaa markii, Tiirar laga siibay

23. In laystoorriyeeyaa xigtiyo, Seef lasoo tumo'e

24. Taangi iyo rasaasbaa xigtiyo, Gumac la tuuraaye

25. Leysuma turaynine shafkaa, Layska wada toogtay

26. Tusbax-go'ay waxaa iga dhigee, Taagta iga qaaday

27. Tanfaraaruqii igu dhaciyo, Kala taggaygii dhe

28. Tagoogada waxaa iga jabshee, Turuqayaday gooyay

29. Waxa lay takooree waliba, Laygu tumanaayay

30. Waa qabiilka taladiisa iyo, Toyasho reer jaane

31. Tahluukada waxaa ii horkacay, Waa tol-jecel baase

32. War toosoo qabyaaladda tirtira, Oo kataga reerka

33. Tabaalaha Qabiilkana nacoo, Toobadda ogaada

 

CURIYE:- Daadax Halyay Carafad

AMMINTA:- 6/6/14 , JUMCE

Fiiro Gaar ah:-

 

Haddaad dooneyso inaad ka qayb qaaddato Silsiladdan waxaad ku soo gudbin kartaa Gabaygaaga, Bogga Facebooga, ee "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" ama Emailada kala ah:

Xasan Abiib Faarax (Xasan Daaci)Daaci77@hotmail.com Cabdiraxiin Hilowle Galayr.Galayr1977@hotmail.com

 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip