Gabayga:10AAD "QAAMUUS" ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

0
Friday June 27, 2014 - 01:19:54 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1887
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga:10AAD "QAAMUUS" ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

    Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala joo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala jooga adduunyada daafaheeda.

Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed lagula dagaallamayo Cudurka dilaaga ah ee la hadhay umadda Soomaaliyeed guri iyo Gobol ay joogtaba, Suugaanta ayaa waxaa la doonayaa inay horseed ka noqoto kacdoon ka dhan ah QABYAALADDA iyo in lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed oo ay qabyaaladdu wiiqdey wadajirkooda iyo wada noolaanshahooda, Silsiladda ayaa ah mid hal ujeedo ka mideysan oo aysan jirin sidii lagu yaqaanay Silsiladdaha Suugaanta aragtiyo kala duwan, balse silsiladdan ayaa ah hal DAWO oo la wada doonayo iyo Cudur caafimaadkiisa la wada goobayo.

Gabay weliba xaladiisa ayuu leeyahay Hal abuur weliba wuxuu ku cabiraya Aragtidiisa wuxuun sheegayaa dhibkeeda iyo qaabka loo dabargooyn karo, iyo sida looga badbaadi karo, Silsilladan ayaa waxay ka billaabatey Baraha xidhiidhka bulshada ee loo yaqaan "FACEBOOK" Golayaal Suugaaneed oo ay dhallinyarada iyo suugaanyahanadu ku kala war qaataan, golahayaashaas ayaa kala a "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" Haddaba gabaygan oo noqon doonaa mid ka mida Silsiladaa kor aan kaga soo hadalnay, waxaa la yidhaahdaa "QAAMUUS” bogasho wacan.

 
1. Qaafleeyda gabay waanigii ,Qaadacoo dhigaye

2. Qisaskeeda waataan ka tegay, Quruxda suugaane

3. Ma qorshaynin maansooyinkii, Qaabadeyn jiraye

4. Aan qiyaaso waa taan muddaba, Qaar’i ku ahaaye

5. Qayladi cukaashiyo Bariir, baan qandoodsadaye

6. Qaxarkiyo dhibkay leedahay, Qun u tilmaameene

7. Oo daacibaa qodoba badan,Qaabiyoo shubaye

8. Ka qaawaaf siciidoo wakaa, Sheegay qaradkeede

9. Qiil malaha buu aadan yidhi, Qayrna laga waa

10. Bulxanbaa qumbaladii dul dhigay, Qeexay hadafkeede

11. Dhallinyara qawadeysaa timoo, Diidey quxubkeede.

 

12. In qabyaaladii laga hortagoo, Qodobna loo yeelo

13. Oo Quruxda soomaaliyeed,Laysku soo qaado

14. Qofna inaan laga maarmin Karin, Yaa la qaalibaye

15. Qulub baa ku dhacay heensahihii, Qaaliga ahaaye

16. Qaraabadiyo ehelkaa is nacay, Qiiqna waa baxaye

17. Qarni rubucii baa qoysas badan, Qoorta loo galaye

18. Oo qaxiyo duulaan ku jirey, Qoomka soomaale

19. Qaabdarriyo xumaa laga dhaxliyo, Ceeba qaraweyne.

20. Qawlka iyo hadalbaan gelin, Ruuxii qaafila e

21. Qalbigii madoow baan marnaba, Qaadan waanada e

22. Qoladeyda Soomaalibaan, Qaylodhaan maqale

23. Qarniyaal wixii dhacay ayaa laga qisoodaaye

24. Haabiilba qaabiil qabiyo, Quudhsibu dilaye

25. Qaladkuu ku falay baa ilaa,Maanta loo qoriye

26. Qofkastoo la dilo qayb ayuu, Qaaddanahayaaye

27. Qasaare dhib mooyee ma helin, Qoondaduu rabaye

28. Qudhoo layska jaro waan ognahay, Qoon inay tahaye

29. Qaladkaad gashaa ruux kaluu, Qoomamo yahaye

30. Adduunyada qitaal waa ka dhacay, Qaciyo baaruude

31. Qarni aan dhaweynbaa la nacay, Qaxaradiisiiye

32. Qasad laga lahaa baa jiro, Qaabab loo galaye

33. Qaswo iyo jihaad bay lahayd, Qira ilaahaye

34. Qasdi iyo ujeedbuu lahaa, Qaadirkeen dhigaye

35. Marna Qaarad lagu duulayiyo, Qolo gumeynteede

36. Qawlaysatiyo bay lahayd, Dhacaya qayraade

37. inagu qabiil kale ku duul, Baa qorshuhu yahaye

38. Inkastoo Qardoofiyo la falay, Qaadan kari waaba,

39. Dad aan weli qancanyn baa jiroo, Qaayibuun xuma e.

 

40.Qandaraas qabyaaladdi wada, Qalay nafteeniiye

41. Quus baynu kala gaadhnayoo, Qoonsimaad badaye

42. Qalqal bay abuurtaa naflahay, Qiira gelisaaye

43. Qasnadaha xumaantay furtaa, lagu qamaamaaye

44. Markay qalato doorkiyo hormuud, Waan qadarinaaye

45. Quxubkiyo xumaantay dhashaa. Lagu qoslaayaaye

47. Qulub baa ku dhacay heensahihii, Qaaliga ahaaye

48. Qalqaloocintoodaa nafluhu, Qulub ka qaadeene.

49. Qaar aan wax kala qabaninbaa, Qoorta noo tubane.

50. Qarshi baa ku baxa daayimkey, Lagu qasaaraaye

51. Qurus lagama helo maalin qudha, Qaajo kaa tira

52. Qiimihiyo sharaftaan lahayn, qaadha maantaba e

53. in Qabyaalad dumisaan ognahay,Qaaxo ay tahaye

54. quwadaan lahaynoo gudhoo, Ceeba lagu qaydey

55. Cilad qaasa baan noo tahay, Qolofta boogeede

56. Dadkii oo la kala qaybiyoo, Quruba meel yaalo

57. Qami iyo hammaa inagu dhacay, Laga qasoodaaye

58. Qaaradaha adduunkaan u nahay, Qayb tusaale ahe

59. Qabarkiyo xumaanta wax dhigay, Waa qabiilnimo.

 

61. Qalalaase aan joogsaniyo qalab la heenseysto

62. Qaadaca samaantiyo cadligay, Qaanac loo yahaye

63. Qaariga wadaadkiyo midkaan, Baranin qaafkeeda

64. Qoladaa qardhaas looga dhigay, Belo ka quweynteede

65. Qaadhaano baas bay guraan, Qori la siiyaaye

66. Qalbigey ka taageeraan kamana Quustaane

67. Qalaciyo dagaal guul malaha, kala qax mooyaane

68. Qandigii ibliis weeye iyo Quudka shaydaane

69. Qabirbaa wadnaha looga xidhay, Ruuxa u qaadima e

70. Qiirada waddanimo maleh, Iyo Qushuuceede.

 

71. Qandho iyo xanuun iyo dhibaan, Qaaradeed tahaye

72. Qabyaaladi wanaag maleh bulshow, Qudhuna weeyaane

73. Qalab shacabka kala qaarayoo, Qalaxa weeyaane

74. Qarib iyo dhib aan damin waqeed, Qadafa weeyaane

75. Isqaadqaadka beenta ah dadyahaw,Qalad xun weeyaane

76. Qurub kii ku raadshiyo midkii, Qool ka dhiganayaa

77. Ayuun baa qadaamka u ahoo, Fidin qadhaadhkeeda

78. Ma quustaha mabda aan lahayn, Qaadaciyo tuuga

79. Ayay tahay Qadhaabkoodiyo, Quudka jarintoode

80. Ma qadariyo aadmaha kaliyo, Qaarada adduune

81. Qoom hadalka iyo diinta iyo, Qolofta muuqeeda

82. Qaadirkeen mid qudha uga dhigoo, Kala qamaadaaya,

83. Oon qurus wadaagaynin waa ,Qaabka aan nahaye

84. Qoladiisa ruux lagu nacoo, Lagu qaataateeyo

85. Qaar aan gabdhaha loo dhisay, Laga qashaafaayo

86. Qarnigeynu joognaa majiro, Duni qawaamkeede

87. Dad qalooca sax wada moodayoo, Qiilna marinayaa

88. Oo aan qaddarin aadminimo, Quusey baan nahaye.

89. Ka qatooba waa ceeb Khalqigu, Dhaafay qudhunkeede

90. Ka qatooba waa waxaan marna, Qaabineyn sharafe

91. Ka qatooba waa waa qool jiniyo,Qaalmaha ibliise.

92. Ka qatooba qamdariiraniyo waa Qabuur xidhane

93. Ka qatooba waa qori dabluu, Qaaca abidkiise

94. Ka qatooba waa Qabar xunoo, Qoorta kaa jariye

95. Ka qatooba waa qalin xumaha, Qaadigu u sido e

96. Ka Qatooba waa qulub nafluhu, Qirey dhammaantiise

97. Ka qatooba waa ceeb qof ogi, Qayr u haystaaye

98. Ka qatooba waa dabin qarsoon, Qool naloo dhigaye

99. Ka qatooba waa bukaan qanjidho, Abid qaboobeyne

100. Ka qatooba Qabaliga dadyahaw, Qiimo laga waaye.

 

Curiye:Cabdiraxiin Hilowle. Galayr

Email. Galayr1977@hotmail.com

Ammin:06.06.2014

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip