Gabayga:8AAD "BEERKA KA OGSOONI" ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

0
Monday June 23, 2014 - 16:49:59 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 8394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gabayga:8AAD "BEERKA KA OGSOONI" ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

    Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala joo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala jooga adduunyada daafaheeda.


Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed lagula dagaallamayo Cudurka dilaaga ah ee la hadhay umadda Soomaaliyeed guri iyo Gobol ay joogtaba, Suugaanta ayaa waxaa la doonayaa inay horseed ka noqoto kacdoon ka dhan ah QABYAALADDA iyo in lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed oo ay qabyaaladdu wiiqdey wadajirkooda iyo wada noolaanshahooda, Silsiladda ayaa ah mid hal ujeedo ka mideysan oo aysan jirin sidii lagu yaqaanay Silsiladdaha Suugaanta aragtiyo kala duwan, balse silsiladdan ayaa ah hal DAWO oo la wada doonayo iyo Cudur caafimaadkiisa la wada goobayo.

Gabay weliba xaladiisa ayuu leeyahay Hal abuur weliba wuxuu ku cabiraya Aragtidiisa wuxuun sheegayaa dhibkeeda iyo qaabka loo dabargooyn karo, iyo sida looga badbaadi karo, Silsilladan ayaa waxay ka billaabatey Baraha xidhiidhka bulshada ee loo yaqaan "FACEBOOK" Golayaal Suugaaneed oo ay dhallinyarada iyo suugaanyahanadu ku kala war qaataan, golahayaashaas ayaa kala a "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" Haddaba gabaygan oo noqon doonaa mid ka mida Silsiladaa kor aan kaga soo hadalnay, waxaa la yidhaahdaa "BEERKA KA OGSOONI” bogasho wacan.

 

 

 

Gabayga:- "BEERKA KA OGSOONI”

CURIYE:- SAALIM AXMED SAALIM


1. Indhawaydba gabay maan Bud-dhigin, belelkii maanseede

2. Bidixaynta waayadan jiraa, Baajay hadalkiiye

3. Marka aan bilaabaa murtida, Togag ka buuxshaaye

4. Bayloojigaan garanayaa , Beeni iga dheere

5. Bulshaduba dhammaanteed kolkaa, Bayrka wey heliye ….

6. Bal aan tiriyo maantoo kalaan, Baaci leeyahaye

7. Bilis iyo abwaanoow ka dhereg, Waan budlinayaaye


8. Intaa gabay bushaariyo ku daa,Bilowga Suugaanta

9. Mid kalana bayaan iiga maqal, Baahi dhegahaaga


10. Addunyadan dadkani baahsanee, Baasid ku abuuray………Baasid(Allah)

11. Badweyntaa jabaan iyo ilaa, Beled maraykaanka

12. Barafley waqooyiyo galbeed,Yurubta baasheeda

13. Bi’ni aadam waa wada jiraan, Sida batuuxaase

14. Bangaalkiyo hindiya oo dhan iyo, Badiba jayniiska

15. Beyruut lubnaan iyo ciraaq, Sheedda bakistaanta

16. Turkey baallaheediyo xijaas, buurahaa yamanta

17. Beledada khaliij iyo dhammaan, Beesha carabtoo dhan

18. Berber iyo afriikaanta badan, Ammase baajuunta,,,,,…berber= dadka dega wooyiga Africa madow

19. Borma iyo Fitnaam iyo dhulkaa, Beelo lagu noole

20. Qolo wali bartuu Eebbe dhigay, Baarax uga yeelye( meel banaana oo nabada)

21. Dadku baha-bahaysiyo ma qabo , Belo qabiileede

22. Soomaalida waxaa baaba’-shee, Biiyay Taladooda

23. Barakada waxaa qaadayee, Ba’a abuuraaya

24. Waa bukaaan qabiil iyo xanuun, Beeran abidkoode

25. Waa boog la dhayayoo haddana, Aan bogsanaheyne

26. Waa belo ibliis oogayoo, Lagana baydhayne

27. Waa wax beledka soomaali yaal, lana binaystaaye

28. Inta baarri lagu diley wallee, Buugtu qoriwaaye

29. Maxaa badaw dambiili’I intuu, Baashe Sare Dooxay

30. Maxaa WELI Ilaahay baryoo , Oon bar ka ogeynba …….WELI=sheekh

31. Birta iyo Ablaydii maxaa , Lagu bashaaqeeyey

32. Maxaa xoolo bini’adam kale, Baadil lagu daaqay

33. Maxaa wiil barbaaroo tacliin, Waayo baranaayey

34. Oo baajuleer qaatayoo , Shaqo u soo baasay (Baajulaar= Bachuler/Degree)

35. Walibana Bushaariyo bilkhayr, biyo-dhac Eegaayay

36. Maxaa Sabab qabiil loo bahdilay, Loo banjarinaayay

37. Isagoo belbelayoo kolkaa, Cadho la buuftaami

38. Muxuu odey bah-diisaa ahaa, Ula baroor-doontey

39. Dhibaatada qabiilkani na baday,Buur ka Culus Weyne

40. Soomaalaay waxbaad baahisaan,mana buseyshaane

41. Bog-cadka iyo maankaydin maqan,bogganna maysaane

42. Laaluush badnaadaad rabtaan, Baahi joogta ahe

43. Balse Shay bislaadaan arkee, boowe ila dhowra


44. Taariikhda bilan baa astayn, Beyt-ka aan degiye

45. Baal saarkan leeyaa I yidhi, Waa bilkheyr timiye

46. Bunduqiyo qoryaha naga dhigaay, Wada bushaaraysta

47. Waa bikaacsi nuur iyo iftiin , Biligti roobaade

48. Ku bineeya nolol loo bandhigo, Badiba soomaali

49. Ku bugsooda nabad baaxad loo, lagu barwaaqoobo

50. Ka dheeraada beladuu qabiil, Boogtu nagu beeray

51. Ku dadaala barashada aqoon, baabkan lagu reebo

52. Bogsashada markaan taam galnana, barakacii doona

53. Burburkiyo dhibkana kii na badey, Soo bandhiga tuugta

 

 

54. Intaasoo bushaara ah gadaal, Kii wax burinaaya

55. Bulshadeyda kii bi’inayee, Balada Aasaaya,

56. Ee baladka soo gala wallee, Beerka ka ogsooni

 

57. Siyaasiga ninkii been wadee, booba shacabkeena

58. Bulxanka iyo qaylada la raba, beerka ka ogsoonii

 

59. Basar-xume munaafiqa dhabtee, Laba-Boglaynaaya

60. Bahjadiyo bilcaantana xumayn, Beerka ka ogsooni

 

61. Beelaha ninkii kala raree, Qaxar dhex beeraaya

62. Balaayada ninkaa oogayee, Bigil afuufaaya………………. Bihinbiha ujeedada qarsoon, Beerka ka ogsooni………. Bihinbih=oohin beer laxawsi ah

 

63. Bilaalaha ninkii qaata ee, Biriwaxaynaaya …….biriwax =sawaxan

64. Iyo kii bukaan-soconayee , Aan bad-qabin gaajo

65. Ee aan bandhigin cabashadee, Sharafta beecaynin

66. Labadooda kii baahi qaba, Beerka ka ogsooni

 

67. Barwaaqada ninkii baaf ku sida, Beerka ogsooni

68. Burcad kii agoomaha u marin , beerka ka ogsooni

69. Bajiino-da ninkii naga yarayn, Beerka ka ogsooni………..bojiino=shaqa la’aan

70. Bu’yartii qabyaaladi lahyd, Beerka ka ogsooni

71. Diintayda kii boobayana, Beerka ka ogsooni

 

72. Intaas oo bushaara ah dhammaan, Beerka ku adkayno

73. Baylahdeenna oo idil intaan, Beyt isugu keenno

74. Beeraha intaan qodanna oo, Dalaga baaqbaaqno

75. Beenyadiyo xabagtana kolkaa, Gebiba boohaarno……..boohaar=miisidda beeyada

76. Buxuurtiyo intaan Culimadii, Baal u wada saarno….buxuur=aqoonyahan

77. Oo aan gacmaha buuxsannoo, Baasha ka adkeyno

78. Aynu barino boqorkeen Ilaah, Inu Barwaaqeeyo !!

 

Gabayga:- "BEERKA KA OGSOONI”

CURIYE:- SAALIM AXMED SAALIM

 

Fiiro Gaar ah:-

 

Haddaad dooneyso inaad ka qayb qaaddato Silsiladdan waxaad ku soo gudbin kartaa Gabaygaaga, Bogga Facebooga, ee "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" ama Emailada kala ah:

Xasan Abiib Faarax (Xasan Daaci)Daaci77@hotmail.com

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.Galayr1977@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip