Gabayga:4AAD "DUUL WALAALO AH" ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

0
Sunday June 15, 2014 - 11:53:59 in Maqaallo by Web Admin
  • Visits: 1913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga:4AAD "DUUL WALAALO AH" ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

    Gabayga saddexaad ee ee silsiladd "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala jooga adduunyada d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabayga saddexaad ee ee silsiladd "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala jooga adduunyada daafaheeda.


Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed lagula dagaallamayo Cudurka dilaaga ah ee la hadhay umadda Soomaaliyeed guri iyo Gobol ay joogtaba, Suugaanta ayaa waxaa la doonayaa inay horseed ka noqoto kacdoon ka dhan ah QABYAALADDA iyo in lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed oo ay qabyaaladdu wiiqdey wadajirkooda iyo wada noolaanshahooda, Silsiladda ayaa ah mid hal ujeedo ka mideysan oo aysan jirin sidii lagu yaqaanay Silsiladdaha Suugaanta aragtiyo kala duwan, balse silsiladdan ayaa ah hal DAWO oo la wada doonayo iyo Cudur caafimaadkiisa la wada goobayo.

 

Gabay weliba xaladiisa ayuu leeyahay Hal abuur weliba ku cabiro Aragtidiisa dhibkeeda iyo qaabka loo dabargooyn karo, iyo sida looga badbaadi karo, Silsilladan ayaa waxay ka billaabatey Baraha xidhiidhka bulshada ee loo yaqaan "FACEBOOK" Golayaal Suugaaneed oo ay dhallinyarada iyo suugaanyahanadu ku kala war qaataan, golahayaashaas ayaa kala a "GOLAHA TARTANKA SUUFGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" Haddaba gabaygan oo noqon doonaa kii mid ka mida Silsiladaas aan kaga soo hadalnay, waxaa la yidhaahdaa "DUUL WALAALO AH” bogasho wacan.


1.Da’da gabayga waayadan ma rogin, Dabaqi saarnaaye

2.Ma durduuran maansooyinkaan, Diigga ku ahaaye

3.Ma doonyaysan geed goba baryahan, Damalki Weynaaye

4.Ma digriyin, ma daanshoon murtida, duub anoo xidhane

5.Ma daliilin , mana daah-furine , Waan dabroon dhigaye

6.Imikana ma doonayn inaan, Dihinka maalaaye

7.Waxa igu diraayoo murtida, Aan u daba joogsan

8.Damqashiyo xanuun jira Ayaan, Dabar-jaraayaaye

9.Dulucdayda maqal faysaloow, Waan dardhanayaaye .

10.Dunidaynu Joognee Khalkhigu, Dulundulcaynaayo

11.Ee dacal ilaa dacalka kale , Wada dawaafaayo

12.Bani’aadamkaa daadsanee, Wada dakaynaaya

13.Dubka kuwa madaw iyo kuwaa, Diirka sare cawlan

14.Kuwa daara jeexdiyo kuwani , Duudka wada qaawan

15.Kuwa doolar haystiyo kuwani, Diiftu halakaysay

16.Kuwan wali dameer fuushan iyo, doonyo kuwa raaca

17.Kuwa dawarsanaayiyo kuwani, Dabaqyo fuulaaya

18.Kuwa cudur diloodiyo kuwani, Kibir la daacaaya

19.Kuwan daranya laysiyo kuwani, Dawladaha sheegta

20.Afrikada kuwani daadsan iyo , Yurub duleedkeeda

21.Diiwaanka sare iyo sidii, Diinta lagu sheegay

22.Midna duub u gooniya malaha, Daraja dheeraade

23.Alleheenna Daa’ima dhankii, Waa Dad Waaxida.

24.Qof kastaba dun buu leeyihiyo, Daarad gooniyahe

25.Oday uu ku daba fayla iyo , Dir iyo Caynaane

26.Mana dooranine waa miduun, Loo diyaafadine

27.Dir Isaaq hadduu yahay amaba,Duudka Gadabuursi

28.Dagalkii Hawiye uu galiyo, Waliba Daaroodka

29.Digil iyo caleemaha hadduu, Diirka la wadaago

30.Dal jabuuti Ciisaha dagiyo, Xeebta Dacalkeeda

31.Dunjigiyo qabiilkuu noqdaba, Waa mid Daahira’e

32.Damac iyo rajay wada qabaan, Doogsi iyo khayre

33.Dadaal iyo kartina way huraan, Daafac iyo hiile

34.Dulmigiyo dhibtana way nacaan, Duudsi iyo faane

35.Waa Duul walaalaha dhamman, Oo Dal wada yaalle

36.Waa Uliyo diirkeed dhammaan, Waxu dahsoonayne

37.Waa Seedi dooriyo xigaal, Loo Damqanayaaye

38.Waa labada daan iyo ilkaha , Aan la daakhiline

39.Balse daallin hoosaa jiriyo, Duul waswaas qaba e

40.Shaydaan dayuusaa heloo, Waa dhanxiir darane

41.Dagaal iyo colaad buu rabaa, dira-dirayn jaane

42.Doc-faruur ayuu doonayaa, Daawo loo heline

43.Dan-wadaagta wuu kala raraa, Daayin abidkiiye

44.Wuxu Damacsan yahay waa inuu , Dilo dhallaankeene

45.Walaalkaa ayuu kuu diraa, Saad u dabargoyne

46.Damiirkiyo wuxuu kaa dilaa, Diir-nax oo idile

47.Diintiyo wuxuu dhaawacaa, Dhaqanka duuggaaye

48.Dab markuu bakhtiya buu haddana, Dogobyo saaraaye

49.Aakhira wuxuu daydayaa , Naar ku dubataaye

50.Adduunkana wuxuu damacsan yahay, Daadun iyo ceebe

51.Waar qabyaalad diidoo Dadyahow, Haw durbaan tumina .


Gabayg: DUUL WALAALO AH

Curiye: Xasan Abiib Faarax(Xasan daaci)


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip