Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in saakay nin la sheegay inuu dhimirka la'yahay uu bambo gacmeed ku tuuray goob suuq ahayd oo ku taalla agagaarka Hotelka Waayeel ee magaalada Hargeysa.
Goob joogayaal ku sugan goobtaasi uu qaraxa ka dhacay ayaa shabakadaan u sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen in ka badan labaatan ruux oo dadkii halkaasi ka ganacsanayay iyo kuwii halkaasi ka dhowaa, iyadoo daqiiqado kaddib halkaasi ay ka carareen dadkii ka badbaaday qaraxa bambo gacmeedka.
Dr. Axmed Jaamac Samatar oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay qaraxaasi la dhigay isbitaalka magaalada Hargeysa, kuwaasi oo qaarkood dhaawacyadoodu fudud yihiin, isla markaana haatan lala tacaalayo sidii ay u bogsan lahaayeen.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ninkii dhimirka la'aa ee isagu bambada ku tuuray goobtaasi suuqa ahayd uu baxsaday, waxaana daqiiqado kaddib goobtaasi soo gaaray ciidamada Booliska Somaliland, kuwaasi oo iyagu bilaabay inay baadi goob u galaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ninkii ka dambeeyay qaraxaasi.
Qarax Bam Gacmeed oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Hargeisa