Fu'aad Shongole oo Meel Kaga Dhacay Culumaa'u Suufiya iyo Calanka Soomaliya

0
Sunday April 10, 2011 - 12:28:42 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fu'aad Shongole oo Meel Kaga Dhacay Culumaa'u Suufiya iyo Calanka Soomaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole) oo ka mid ah Xubnaha kicinta iyo wacyigelinta Shabaab oo dhawaan ka hadlayay Muxaadaro ka dhacday masjidka abuu-hureeeyra ee magaalada muqdisho ayaa si daran u Weeraray Hadafka DKMG-ah iyo Gacanta ay ka helaan Ciidamadda AMISOM.


“Ciddii Gaalo Garabsata ama soo horkacda iyaguna waa gaalo kale waa tukanayaan,soomayaan Xajinayaan,waxba kama jiraan waana is daalinayaan,waana in loola dagaalamaa sidii cadawga nagu soo dulay”ayuu yiri shongole oo xiligaa aqrinayay kitaab lagu magacaabo SABIILUL-NIJAAD.


Sheekh Fu’aad ayaa dhinaca kale dadka iyo culuimadda ku sugan Dhuus-mareeb iyo guri-ceel ku tilmaamay inay yihiin waxa uu ugu yeeray mushrikiin isagoo ku edeeyay inay taageero ka helaan Itopia.


“Culimaddii hore waa na qaldeenwaana na duleeyeen waxay na bareen digri lagu amaanayo dad mar hore dhintay ama tahliil loo tufo qof xanuunsan ama xersi iyo qardhaas loo xero waana tacadi ay na bareen sidoo klana kitaabkii ALLE ayay 7 jalaad u qeybiyeen” ayuu si Adag u yiri Shongole oo ka mid ahaa ardaydii ay wax soo bareen Mashaa’iqdii weyneyd ee sheekh Maxamed Macalin iyo Sheekh Cumar Faaruuq.


Geba gabadii Sheekh Fu’aad ayaa mel kaga dhacay Sharafta iyo karaamadda Culumaa'u Suufiya iyo calanka soomaaliyeed ee dhiiga loo daadiyay isagoo ku tilmaamay inuu yahay marro ama calal buluug ah oo xiddig cad dhexda looga xardhay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip