Barlamanka Uganda oo Ansixiyay Ciidamo Lageeyo Somaliya
- Visits: 691
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Golaha Baarlamaanka dalka Uganda ayaa kulan ka yeeshay xaaladda ciidamadooda ka jooga wadanka Soomaaliya, iyo waxyaabihii ay qabteen mudadii ay Soomaaliya ku sugnaayeen, waxaana fadhiga Mudanayaasha Baarlamaanka Uganda ka soo qeyb galay Taliyaha ciidamada Dowladda Uganda Gen. Ktumba Wmala, oo halkaasi ka jeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda AMISOM, gaar ahaan ciidamada wadankiisa.
Taliyaha ciidamada wadanka Uganda ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka wadankaasi uga warbixiyay howlgalada ciidamada AMISOM ay ka wadaan magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho ay ku geeriyoodeen ku dhowaad boqol askarta ka socota dalka Uganda, wuxuuna sidoo kale sheegay in tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.
"Dagaaladii ugu dambeeyay ee ciidamada AMISOM Muqdisho kula galeen maleeshiyada Al-Shabaab waxaa ku geeriyooday 90-Askari, waxaana ku dhaawacmay boqol askari" ayuu yiri Gen. Ktumba Wmala oo sheegay in taasi bedelkeeda ay horumar ka sameeyeen ciidamada AMISOM dagaalada Muqdisho, isla markaasina ay la wareegeen fariisimooyin dhowr ah oo Shabaabku horay u heysteen.
Kalfadhiga Baarlamaanka wadanka Uganda, ayaa Xildhibaanada waxay ku ansixiyeen in la kordhiyo tirada ciidamada wadankooda ee Soomaaliya ka wada howlgalada ammaanka iyo nabadda dib loogu soo celinayo, isla markaana lagu taageerayo Dowladda KMG ah ee tabarta yar, isla markaasina ay u codeeyeen in Soomaaliya la geeyo ciidamo tiradoodu dhan tahay 4000-Askari kuwaasi oo lagu biirinayo ciidamada AMISOM ee horay u joogay magaalada Muqdisho
Barlamanka Uganda oo Ansixiyay Ciidamo Lageeyo Somaliya