Midowga Afrika oo kahor yimid mudo kororsiga Dowlada Somaliya

0
Thursday April 22, 2021 - 16:03:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Afrika oo kahor yimid mudo kororsiga Dowlada Somaliya

    Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maanta kulan ka yeeshay ismaandhaafka doorashada ee ka taagan Soomaaliya, kadib markii barlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay sharci oggolaanaya muddo kordhin labo sano ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maanta kulan ka yeeshay ismaandhaafka doorashada ee ka taagan Soomaaliya, kadib markii barlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay sharci oggolaanaya muddo kordhin labo sano ah.


kulanka oo furmay maanta tobankii barqanimo ayaa weli ka socda xarunta midowga Afrika ee magaalada Addis ababa.

Golaha Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhamaan daneeyayaasha Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan wada hadal loo dhan yahay iyo is afgarad siyaasadeed oo ku wajahan nabada iyo xasiloonida

Kulankan ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu ku boorriyey Midowga Afrika inay fududeeyaan wadahadallada u dhexeeya dawladda iyo mucaaradka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Isniintii la soo dhaafay wadahadal la yeeshay madaxweynaha DRC, Felix Tshisekedi oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika arrimo ku saabsan sidii loo xallin lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Talaadadii, Xubnaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay waxay ku boorriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay dib ugu laabtaan miiska wada hadalka, si loo ambo qaado heshiiskii Sebtember 17.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip