Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Md.C/raxmaan sheeq Maxamuud Faroole ayaa rabshadaha iyo dagaalada ka jira deeganada bari ku edeeyay inay ka dambeeyaan mas’uuliyiinka tirsan sida uu sheegay Dowladda Federaalka.
“Qolada ku shaqeysata Magaca Soomaaliya ayaa qeyb ka ah Qalalaasaha ka jidha deegaanadeena kuwoo oo lacagtii loogu tala galay dadka soomaaliyeed u adeegsaday inay fitno kaga abuuraan goobaha xasiloon sida Puntlan iyo Somali-land,iyagoo la shiray qolada SSC iyo kooxaha Masaajidada dadka ku dila si ay isugu diraan labada Maamul” ayuu yiri Md.faroole oo markii ugu horeysay booqasho ku tegay magaalooyinka Boosaaso iyo qardho tan iyo markii ay joogsadeen dagaaladii gal-gala.
“waxaan ugu baaqayaa baarlamaanka inaysan dib u dhigin Doorashada bisha ogos oo horaanteeda la qabto lana hirgeliyo natiijadii shirkii 12-13 ee nayroobi si loo helo hogaan wax qaban kadha oo aqoon leh”ayuu sii raaciyay Md.Faroole oo ka leexleexanayay dagaalada ka jira waqooyiga gaalkacyo ee u dhaxeeyo labo beelood oo halkaa wada dega.
“Waxba naga qaadi maayaan kuwa sakaraadka ah ee xiligooda dhamaaday oo noo kaashanahaya kuwo caada-qaatyaasha ah ee weligood jidhay iyo cadawga diidan horumarka Puntland”ayuu u yiri si carro ku dheehan tahay isagoo aan soo hadal qaadin dhibaatooyinka ay kooxaha Fariisinka ku leh Puntland ee Burcad badeeda ah ku hayaan beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Faroole Oo Dowlada KMG Ku Eedeeyay Qalalaasaha Puntland