Alshabaab oo Mamnuucday Is Qurxinta Dumarka

0
Sunday May 15, 2011 - 16:42:03 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab oo Mamnuucday Is Qurxinta Dumarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakadda Shabaab ee maamusha Gobolka Sh/hoose ayaa soo saartay amro adag oo lagu mamnuucayo in albaabada laysugu dhufto goobaha lagu qurxiyo dumarka ee Cilaan saarka iyo daawooyinka timaha la nariyo lagu isticmaalo.

Maamulaha Shabaab ee S/hoose Sh.Naxaned Abuu Cabdalle oo ka hadlayay Simimaar loogu magic daray Dowro islaami ah oo degnada Marka loogu qabtay Haweenlka ka shaqeeya goobaha qurxinta dumarka ee degmooyinka Gobolka Sh/hoose.

"Annagu ma diidanin in la shaqeysto laakiin howshu waa inay naqataa mid munaasab ah Haweenka ka shaqeya qurxinta waa inay guryahooda ugu tagaan dumarka ay u shaqeynayaan iyagoo waliba fasax ka qaadanaya raga qaba ama waalidkood”ayuu yiri abuu cabdalla oo ka hadlayay gebagebadii siminaarka.

Dhinaca kale waxaa dhawaan maamulkaasi uu gobolka ka mamnuucay iibinta iyo isticmaalka waxa loogu yeeray maandooriyaha sida Qaadka,Sigaarka,Tubaakada iyo Kafeega xilli deegaanadaasina lagu arkayo iyadoo waddooyinka xaafadaha lagu iibinayo inta maamulku mamnuucay oo qofkii iibsdana la qabanayo


W/D: Abdi Shiine Moalin
E-mail: shiine173@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip