Dagaal Sh/Dhexe kudhax maray dowlada iyo Alshabaab oo lagu kala baxay

0
Tuesday June 22, 2021 - 22:38:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Sh/Dhexe kudhax maray dowlada iyo Alshabaab oo lagu kala baxay

    Afhayeenka Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdi oo ka hadlay dagaalo ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay inay ku dileen illaa 17-dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdi oo ka hadlay dagaalo ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay inay ku dileen illaa 17-dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalada ay ka dhaceen deegaano ay ka mid yihiin Wararaxlay, Cali Fooldheere, Qurac-Madoobe iyo deegaano kale.

"Qaybaha maanta ilaa shalay dagaalku ka socdo waa Wararaxlay, Cali Fooldheere, Qurac-Madoobe intaas ayaa hada dagaalku ka socdaa waana dhul keyn ama howd ah oo baryahaan dagaalku ka socday waxaana lagu dilay 17 dagaalyahan hadana dagaalka waa socdaa” ayuu yiri afhayeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Afhayeenka oo sheegay in ay ka go’antahay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, isagoo intaa ku daray in ay hub ku furteen dagaalka ayna wali wadaan tiro koobka khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdi, Afhayeenka Ciidanka xoogga dalka, oo qiray in dagaalka ay u adeegsadeen hubka wax gumaada ayaa sheegay in dadka deegaanka ay fareen in ay ka fogaadaan deegaanmada ay dagaaladda ka socdaan oo dhamaantood hoostaga magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Al Shabaab, dhankooda kama aysan hadlin dagaalka iyo sheegashada taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ah in ay dileen xubno ka tirsan Al Shabaab.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip