Raaskambooni Oo Dhowr Jiho Weerar Uga Qaadi Rabto Jubbooyinka

0
Thursday June 02, 2011 - 11:12:56 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raaskambooni Oo Dhowr Jiho Weerar Uga Qaadi Rabto Jubbooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha hogaamisa hawl-gallada ciidamaddaRaaskambooni Maxame Faarax ayaa wuxuu u sheegay in Dagaaladii ugu dambeysay, oo ay la-gelli lahaayeen Al Shabaab.

Sarkaalkaasi oo ku sugan degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa wuxuu warbaahinta uu u qabtay shir jaraa’id, isla-markaana wuxuu ka dhawaajiyay dagaaladii ugu dambeysay oo ay la-geli lahaayeen Al Shabaab.

Wuxuuintaasi ku daray inay diyaariyeen Ciidamo aad farabadan oo diyaar u ah buu yiri dagaalo xoog leh oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray Khawaariijta, Shabaab, oo uu kala dhaxeeyo dagaalo qaraar.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu xusay in ciidamadda Raaskambooni ay u istaageen duullaano saf balaaran leh oo ay ku qaadaan qawaarijta caalamiga Shabaab, isla-markaana wuxuu wacad uu ku maray in shacabka ku dhaqan Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhaxe ay ka dul-qaadi doonaan, waxa uu ugu yeeray kooxda dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu qeexay inay qaadayaan dagaalo kama dambeysay, isagoo tibaaxay in dagaaladani ay noqon doonaan, kuwii ugu dambeeyay oo ay la-gelli lahaayeen Xoogaga Xarakada Al Shabaab, oo uu caalamka u aqoonsaday koox argagaxisa ah, isla-markaana xiriir toos ah la-leh kooxda tunka weyn ee Al Qaacida.

Sarkaalkaan ayaa wuxuu xusay in dagaalada ay ka qaadi doonaan dhawr goobood oo ay ka mid yihiin deegaanka Kulbiyow oo dhaca xadka Somaliya iyo Kenya, isla-markaana wuxuu qiyaastii 42km uu u jiraa degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose iyo degmada Af Madow.

Maxamed Faarax ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in maal maha soo socda la-maqli doono, wacdaro culus oo uu sheegay inay ku dhigayaan kooxda Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu ku goodiyay in Al Shabaab ay noqon doonto, koox ku burburta todobaad oo qura, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

Shalay ayay ahayd, kadib markii Cabdi Naasir Seeraar oo kamid ah saraakiisha Jabhadda Raaskambooni uu sheegay, in maal maha soo socda ay Xarakada Al Shabaab ka saari doonaan guud ahaan Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.


Sidoo kale hadalkaani ayaa waxa uu kusoo aadaya iyadoona kooxda shabaab oo cabsi balaran soo wajahaysay oo markasta ka baqadin ka qaba in uu meel un laga soo weerararo ayaa waxaa iminka bilaabeen in uu midba midkale ka dhuunnto.


kalsoonida darada soo kala dhaxgashay milaashiyaadka kooxda alshabaab ayaamidba midkale waxaa uu ka aaminsanyahaymidkale soo shirqolaayo taasi ayaaa waxa ay kuu cadayneysaa in ay soo idlaaaday awooda ay lahayd kooxda shabaab ay qabeeniyadoona dhalinyarada soomaaliyeeday lamarin hawaabi jiren ayaa waxa iminka fahmeen in waxa nimankaan wadaa in yihiin waxa aan diinta raad ku lahayd dadka aynu ka qaldi jireen shaaati diin ah arintaayaa waxa ay mareysaa maalin dhaxaaa waa igu qaraabateen hada aday ku haysataaa ana waaa ka baxay

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip