Waxaa ciwaankawarbaahinta aduunka maanta ku qoran waa wadanka 20ka sano dhibaatada baahsani ka taagnayd ee soomaaliya oo colaadii ay u raaceen abaarihii dhacay dabayaaqadii sanadkii 1992dii ilaa 1993 oo dadka qaarba si u saamaysay laakiin gebi ahaan saamayn wayn ku yeelatay dalka soomaliya.
Hadda waxaa isu raacay colaado socotay mudoshan sano ah waayo dagaalkii bilowday 2006 waxuu soconayaa 2011waxaana intaas meesha ka baxayay maalin walba ka badan nolol maalmeedka kun qoys oo soomaaliyeed ka dib markay ka qaxaan ama lagaga raro meeshay ku noolaayeen ama laga burburiyo.
ColaadaMasuuliyadeeda koowaad waxaa iska lehwaa kooxaha alshabaab waxaan sidaau leeyahay ayaa ah haddii laba qof is qabatoo wax dhexmaraan waxaa qaladku dusha ka fuulaa qofka aan lahayn tanaasulka ama aan qaadan gartiisaa ee heshiiska iyo wanaaga ku gacan saydha ee gardiidka ah waayo waxay dowladu ku baaqday inayheshiis , gorgortan siyaasadeed kooxda alshabaab ayaa ka doorbiday dadku inay qaxaan waxna madaxa iyo gacmaha iyo lugaha laga jaro waxna la qarxiyo taas waxaan odhan karnaa waxaa masuuliyada koowaad iska leh waa kooxda alshabaab.
Masuuliyada labaad waxaaqaadanayaa kooxda dowladmagaceeda sidata ee u taaqaana dowladnimada inbaabuur cad iyo cod ay tahayla iibsado ee maalin walba umadii oo gaajo iyo colaad u dhimaysa isku haysta , Jago, lacag, iyo waxyaabo la mida oo aan dan wadan iyo mid umadeed toona ku jirin si toosana waxay dowlada madaxdeeda iyo shaqaalaheeduba ula shaqeeyaan mucaaradka.
Masuuliyada sadexaad waxaa iska leh gebi ahaan umada soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa a joogta oo aan lahayn wax cadaalad ku dhaqma in yaroo ilaaha wayni u naxariistay maaheedhamaantoodna isku raaca dulmiga iyo gardarada , hadimada iyo waxyeeladailaahayna waa caadil waxuu jecel yahay waxii cadaalad fala, ilahay umad ma dulmiyo inay is dulmido maahee.
Aduunyadan waxaysoo mareen marxalado kala duwan oo nololeed iyaga oo nooga horeeyay dagaalada ahliga ah, budhcadbadeed , qawlaysato, hogaamiye kooxeedyo, iyo dhamaanmasiibooyinka nagu habsadaymaanta hadana wadan waliba iyo qaarad waliba waxay ka gaadhay horumar la taaban karo dhibaatadii hore u bah dishay halka inaguna maanta laynagu tilmaamo dalka qarniga 21aad ugu liita dhinaca dhaqaalaha,waxbarashada , amaanka, wax soo saarka , iyo xadaarada dhinac walba oo ka mida arimaha bulshada .
Hadaan taariikhda dib u raacno waxaad helaysaa qoraalo ama kitaab ka hadlayaaa dhibaatooyinkii ka hor ilbaxnimada maanta la gaadhay iyo qaabkay u noolaayeen umadaha horumaray sida wadamad yurub dhibaato ba,an ku hayay barafka iyo cunto la,aan qarniyo ka hor waxayna ahaayeen ugaarsato iyo xoolalayqowlaysato ah oo is dhaca is dilawaxaynabeeran jireen keliyabaradhada waxay ogaadeen inaan wax xal iyo horumar ahi ka imaan doonin waxaynasamaysteen , xeerar aan diini ahayn oo ay ku wada noolaadaan iyada oo qof waliba naftiisa u danaynayo ayuu awooda saaray inuu tixgeliyo la noolaanshaha umada kale si uu amaan u helo amaana looga helo qofkii sidaa ku xadgudbana waxay u samaysteen xeer ciqaabeed xabsi ama dil midkuu doono ha ahaadee .
Umadaha carbeed sida aan taariikhda ku hayno waxay soo mareen casri jaahili aad xun waxaana noqotay wadadii iftinka nolosha diinta islaamku markay soo degtay waxaanamudooyin dhaw oo aan gaadhayn 50 sano ka hor ka jirtay gaajo iyaga oo waliba u badan deegaamo saxare iyo lama degaan ah hadana isku duubni ayay heleen ay kaga faa,iidaystaan khayraadka dhulkooda ku jira oo aydhamaantood nolol wanaagsan ku wada noolaadaan.
Wadamadaafrika mudooyinkii ilaa 70meeyadii waxaa ka dhacayay dagaalo iyo jabhado maanta ma jiro wadan afrikaan ah oo aan soomaali degin oo dhibaato ka jirtotaasi waxay kuu cadaynaysaa wadamadiinala midka ahaa ee colaadaha iyo dagaaladu ka dhaceen , Ugandha, burundi, ruwanda, gini iqb inay dhamaantood ka xasilooni badan yihiin wadankeena oo ay heleen shacabkii ku noolaa nolol ka sumcad iyo sharaf badan tan shacabka soomaaliyeed.
Wadamada aasiya sida sirilanka oo iyaduna mudo colaadi ka sootay hindiya qaybo ka mida iyo bakistaan marka laga reebo wadanka soomaaliya soo labeeyaa ee afganistaanwaxay noqdeen wadamo wada xasilan oo nidaam iyo kala danbayn ka jirto.
Waxaa hada safka soomaaliya ku jira , wadanka afgaanistaanciraaq, liibiya , yeman, iyaga oo aan wali gaadhin nolosha soomaaliya iyo heerka aan maanta joogno ayay hadana waxaad arkaysaa inay waxyabao badan kala mid yihiin .
Dadka soomaaliyeed waxaa awal lagu xaman jiray dad aan lahayn wadaniyad , hadana waxaa u raacayinaysan lahayd dadnimo iyo damiir naxa , taas waxaa ka daran umada soomaaliyeed ee dalka iyo dibada joogta , inaysan ka qayb qaadan gargaarka shacabka tabaalaysan1% waayo waxaa taas markhaati ka ah, ma maqlin ganacsade soomaaliyeed oo lacag dhan 100:000 u huray badbaada dalkiisa iyo dadkiisa waxaanse ogahay ganacsato soomaliyeed oo burburinta iyo colaadaha iyo dhibaataynta umada soomaaliyeed ku bixiya malaayiin doolar.
Qurba joogta ku bixisa xafladaha taageerada , welcome iyo aroosyada kumanaanka doolaar ma jiro shaqsi u quuraa shacabka tabaalaysan lacagta uu ku bixiyo meelaha aan martabada buuran iyo maksab wanaagsan lahayn if iyo aakhiro.
Dabcan markaan ka hadlayo umada soomaaliyeed anigaygan qoraalka wadaa waxaan ka ahay shaqsi ka mid ah waxaana laga yaabaa inaan sidii layga rabay waajibkayga u gudanwaayo waxaa maanta xaalku marayaa markii nafta laysu doorinayay ee aad adiguna markaaga qadaysay si aad u quudiso walaalkaa waxaa isku soo beegmay bilihii sadaqada lays faray waa ramadaan iyo dadkii oo dhibaataysan .
Ugu danbaynCadaalad darada ka soo bilaabata soomaaliya ,dusha sare ee heer qoys ayaa tagtay heer qarantusaale ahaan qoys walba waxaad ku arkaysaa inay ka dhex jirto cadaalad daro iyada oo odaygu u kala eexdo caruurtiisa iyo xaasaskiisa , daryeel la,aanta waalidka iyo qadarin la,aanta qaraabada iyo xidhiidhin la,aanta riximka ayaa keenaysa abaarta iyo roob yarida badan ee wadankeena ku baahday.
Rag Cadaalad waayaa sidii cawsha kala yaacye waxaan uga jeedaa qaxoontiga aduunku waa soomaliya maanta dadka ugu gaajada badan waa soomaali , dadka ugu caqliga xuna waa soomaali.
Nin hindiya ayaan wada sheekaysanay dhawaan waxuu i waydiiyay inta uu yahay cadadka ama tirda umada soomaaliyeed waxaan ugu qiyaasay 12 milyan waxuu igu yidhi waxay intaasi degan tahay hal magaalo oo ka mida hindiya sida Mumbaioo kale waxuu isii waydiiyay su ,aal kale oo ah maxaa dhacay haday soomaalida tiradoodu tahay intaas oo hadana sidaad ii sheegtay yihiin dad intaas isku af ah isku midab ah isku diin ah isku dhaqan ah wadankooda siday xal ugu keeni waayeen. Waxuu i i sheegay in hindiya lagaga hadlo luuqado kala duwan diimo kala duwan iyo waliba dhaqamo aad u kala duwan hadana ay isku raacsan yihiin inay nabad ku wada noolaadaan , waxaan ugu jawaabay waxaa nagu dhacday masiibo dhinaca cadaalad darada ah oo musuqmaasuqa ayaa nagu batay sidaas ayay ku timid in dhamaan shacabka kalsooni daro kala gasho oo lays aamini waayo dowlad lagu midaysan yahayna ay u dhalan wayday.balse xaqiiq ahaan maaha jawaab buuxinaysaa su,aalaha lagaa waydiinayo dalkaaga waayo waxaan ogahay inay sidaa wax ka bedelan yihiin oo wax dhibaatada isku hayaa ay yihiin soomaalida dhexdeeda oo hadana eedaynayaa umada kale.
Tusaale nin xaas iyo caruur leh oo shaqaysta oo ilaahay caafimaad siiyay haddii nin isaga la mid ah u yimaado oo yidhaahdo xaaskaagana fur caruurtaada badhna eri badhna dil hantidaadana dab ku shid iyo gurigaaga waalidkaa iyo walaalahana dhibaateeoo uu ka yeelo ma ninkaa qaldan mise ninka arintaas kula taliyay , taas jawaabteeda waxaan u danaynayaa aqristaha sharafta mudan.
Ma noqonayso qiilwaxaa sidaa naga dhigay maraykan iyo europa iyo wadama dano ka leh soomaaliya ee waxaa sidaa iska dhigay inaga madaxda marka reer galbeedku wado way u mahadceliyaan way amaanan waxayna u sheegaan inaysan ka maarmi karin , marka meesha ka tag lagu yidhaahdo shalayba waxaad ku timid doorasho la,aan iyo adiga oo aan bulshadaadu ku soo xulan waxaad arkaysaa isagoo qaylinayaa oo leh dalkii waa la haystaa waxaa xukuma hebel iyo hebel iyo waxaa dalka u taliya wadamo kale shalay wuu ku qanacsanaa markay dhinaciisa taagnaayeen taladoodana wuu yeelay balse waxay la xumaatay markuu meesha ka baxay.
Soomaaliya waa dal dayacan oo aan shacab iyo madax iyo wadaniyad dad lehlahayn markaa waxaan u egnahay qoom inkaar iyo alhuumaad iyo halaag ku dhacay sababteedana waxaa ah dulmiga , eexda, nin jeclaysiga, qabyaalada,sedbursiga, kala saraynta, iyo midabtakoorka aan ka simanahay ayaa keenay in dhibaatadu heerka maanta ay joogto ay gaadho.
Ugu danbayn umada soomaaliyeed waxay dhaaftay xadkii bani aadamka ee celin jiray ama xayiri jiray dhinac diimeed iyo dhinac dhaqan iyo dhinac aadmiba waa inay dib u dhisaan noloshooda oo ay isku dayaan inay wax ka bedelaan dhibaatadaninay ka sii darto maahee aan ka soo raynta lahayn.
Waxaan ku soo khatimayaa qoraalkayga ducadan waxaanan shaqsiyan naftayda ku bilaabayaa inaan bal raadiyo qaabkaan cadaalad u heli lahaa cadaaladna u fali lahaa si cadaaladi ku jirtana aadmiga ula dhaqmi lahaa , una iloobi lahaadhibaatoyinka caamka ah ee ina aafeeyay ee sababta u ah cadalaad darada oo ah qabyaalada iyo isla waynida iyo dulmiga, qof walba oo somaaliyeedna haduu fekerkaas qaato waxuu dareemi doonaa degaanaanshiiyo iyo inuu isbedel dhab ahi yimaado keli ilaa koox .
Tixdan ducada ahj ayaa ku soo afjaryaaqoraalkayga
Allahayoow adaa caadila oo cidina moogayne
Rabiyoow adaa caalamka leh oo cisayn mudane
Ciqaab nagu dhacdiyo caaqilaa haysadegelkiiye
Colaad iyo abaaraa na helay cuud la,aan badane
Cirka roob ka yimi iyo ma jiro caad dul marayaaye
Ceel biyo lehina waa yar yahay ciirsi meel lihiye
Ciidan aad adigu soo dirtiyo cududsan mooyaane
Cadaan iyo madoow caalamkani caymin kari waaye
Casiisoow dhibaatada ka qaad taga cirooliiye
Casiisoow daruur nabada curi tagacaruurtiiye
Casiisoow colaadana ka kici tagacuqaashiiye
Casiisoow cibaaradan ka saar caalimkii dhimaye
Casiisoow adaa caymin karee caawin idilkeenba
Soomaaliya caqliga kaashadoo samaha caadaysta
Cadli fala, xumaanta cakira saxa cilaaqdiina
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Cadaalada Darada Baahsan ayaa Sababtay Colaada iyo Abaaraha Carigeena soomaaliyeed haysta
Caalamkan aan ku noolnahay waxaa soo martay waqtiyo badan oo kala duwan oo dhibaatooyin nololeed saamayn ku yeesheen, qaar barwaaqo lagu halaagay sida roobab daad wata iyo kuwa wabiyo ku fataheen kuwa baduhu ku kaceen iyo kuwa siyaabo badan oo kal