Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo xaafado kale oo ku dhow dhow ayaa isku bedelay goobo ay maalintii gacanta ku hayaan habeenkiina ay soo galaan maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyadoo dadweynaha dib ugu laabanaya guryahooda ku yaala degmooyinka ku yaala W/Muqdisho qaarkood ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmayaan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo iyagu marka gabalku dhaco lagu arkayo xaafadaha.
Tan iyo markii ururka Shabaab ciidamadiisa kala baxay inta badan magaalada Muqdisho oo iminka laga joogo muddo ka badan hal bil, waxaa guryahooda dib ugu noqday dadweyne fara badan, hase yeeshee sida ay sheegayaan qaar ka mid ah dadkaasi waxaa soo food saartay xaalad welwel iyo cabsi ah, kaddib markii degmooyinka W/Muqdisho ee Dowladda gacanta u galay aanu ka jirin wax maamul ah iyo ifafaale maamul.
Ciidamada AMISOM ee caawinaya kuwa Dowladda ayaa fariisimo ka sameystay Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo xarunta Stadium Muqdisho, halka ciidamada Dowladda KMG ah oo dhowr tallaabo ka horeeya kuwa AMISOM marka uu gabalku dhaco gadaal mara, maalintiina ay ka hor maraan.
Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ayaa la sheegay inay habeen hore soo galeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyagoo dhibaatooyin u geystay dadweyne fara ku tiris ah oo isugu jira kuwo dib u degay guryahooda iyo kuwo guryahooda soo booqanayay sida uu sheegayo mid ka mid ahaa dadkii dhibaatada loo geystay oo ay ka mid tahay haween la karbaashay, rag da' dhexaad ah iyo odayaal ay maleeshiyada Shabaabka u geysteen falal isugu jira jirdil, qoriga baadkiisa oo lagu garaacay, caga jugleyn iyo handadaad.
Dhinaca kale Dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM ayaa joojiyay gebi ahaan dagaaladii iyo weeraradii ay ku hayeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab, waxaana sida ay sheegayaan dadweynaha guryahooda dib ugu laabanaya ee degan W/Muqdisho ciidamada is garabsanaya saraakiil ka tirsan laga soo xigtay ay sheegeen inaysan horay u socon, isla markaana qorshahoodu aanu ahayn marnaba inay Muqdisho gacanta ku dhigaan.
Hakadka ku yimid ciidamada Dowladda iyo AMISOM baacsigii ay ku hayeen kooxaha mucaaradka ah ayaa waxay sababtay inay hoos u dhacdo rajadii shacabka Muqdisho ay ka lahaayeen inay guryahooda dib ugu laabtaan, bacdamaa meelaha Shabaabka laga saaray iyo meelaha ay isaga baxeen oo ay gaareen Dowladda iyo AMISOM aanu ka jirin nidaam dowli ah iyo mid maamulba, waxayna shacabka noqdeen kuwo labada dhinac dhibaato kala kulmaya.
Dowlada & Amisom Oo Jojiyay Werarada Ka Dhanka ah Shabab(Sababta maxay tahay)
Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo xaafado kale oo ku dhow dhow ayaa isku bedelay goobo ay maalintii gacanta ku hayaan habeenkiina ay soo galaan maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyadoo dadweynaha dib ugu laabanaya guryahooda ku yaala degmooy