Somali Toorey Kudilay, Tuug Konfur Afrikan Ah.(Dhacdo Yaab Leh)

0
Sunday November 13, 2011 - 16:17:36 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somali Toorey Kudilay, Tuug Konfur Afrikan Ah.(Dhacdo Yaab Leh)

    Qowleesato Konfur Afrikaan ah kuna hubeysan midiyo iyo biro ayaa waxey weerar ku qaadeen ganacsato Somali ah oo kusugnaa dukaan ganacsi oo ay kuleeyihiin dalka Konfur Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qowleesato Konfur Afrikaan ah kuna hubeysan midiyo iyo biro ayaa waxey weerar ku qaadeen ganacsato Somali ah oo kusugnaa dukaan ganacsi oo ay kuleeyihiin dalka Konfur Afrika.
Tuugadaani oo baangadihi ay wateen ladhaceen ganacsatada ayaa marki danbe waxa xaalku isu badalay si aan la fileenin kadib marki mid kamid ah ganacsatada soomaalida ee dhaca loo geesanayay oo si fudud uga fara bixiyay mid kamid ah gacanta tuugada mindidi uu kula dagaalayay isla markaana uu isaga ku weeraray.

Ganacsadihi Somaliga ahaa ayaa usuura gashay in laba jiho oo kugaliyo Mindidi mid kamid ah qowleesatadi reer konfur afrika ee weerarka gardarada kusoo qaaday ganacsatadaani.

Tuugi Konfur Afrika ayaa ugeeriyooday mindidi wadnaha lagala helay wallow dhaawac aan sidaa ubuurneen iyana soo gaaray Soomaalidi dagaalka lagashay Tuugadi reer Konfur Afrika.

Booliska Dalka Konfur afrika oo sida caadada u ah ama looga bartay soo gaaray goobta shilka kadhaco mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen ayaa goobti yimid xili uu meyba yahay mid kamid ah tuugadi weerarka soo qaaday, hasayeeshe mas’uul u hadlay booliska ayaa sheegay in ninka ladilay uu ahaa nin kuxukuman dil isla markaana aan dilkiisa loo heesan cidi kadambeesay.

16/08/2011 ayey aheed markii ganacsade soomaaliyeed lagu dilay isla halkaan hada mashaqada kadhacday balse maanta maahan meydka la qaadayo Somali.

Dhanka kale waxa habeenki xalay ahaa dab laqabad siiyay guri ay Somalida gunacsata kulaheed xaafada ay soomaalidu ganacsiga iyo deegaanka ku tahay ee zanaviil magaalada rustenburg
xuseen xaaji faarax carafaat

xuseenxaajio@hotmail.com

S.Africa-north west -rustenburg

+278 755 3399

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip