(Sheeko) Wahel Taan kasugaayay Waran Beey Igu Taagtay

0
Saturday December 03, 2011 - 17:40:41 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 5107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Sheeko) Wahel Taan kasugaayay Waran Beey Igu Taagtay

    MODANAYAAL IYO MARWOOYIN WAXAAD KU SOO DHAWAATAAN QISO JACEYL O IDIIN DIYAARIYAY QORAAGIIGA DA'DA YARAA OO AAD SHEEKOOYINKIISA JACEYLKA LA DHACDEEN WAA MUDANE MOHAMED ABDI AADAN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MODANAYAAL IYO MARWOOYIN WAXAAD KU SOO DHAWAATAAN QISO JACEYL O IDIIN DIYAARIYAY QORAAGIIGA DA'DA YARAA OO AAD SHEEKOOYINKIISA JACEYLKA LA DHACDEEN WAA MUDANE MOHAMED ABDI AADAN QISADAA WAA QISO MURUG IYO XANUUN BADAN OO DHAB AH

QISADAANI WAXEEY SOO BAXDAA SABTI WALBO

QISADANI WAXEEY LA MAGAC BAXDAY

WAHEL TAAN KA SUGAYAY WARAN BEEY IGU TAAGTAY

saacid wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray xaafada towfiiq ee magalaada muqdisho

saacid wuxuu wax barashada dugsiga hoose ooga soo baxay iskuulka MAXAMUUD XABRI ee ku yiilay xaafada laba dhagax

saacid marka uu dugsida hoose dhameeystay ayaaa lagu wargaliyay in uu magalada adis ababa ee wadanka ethopia soo aado si halkaasi looga dacwoodo

marka uu imaaday magalada ethopia wuxuu guda galay dacwadii loo furay iyo qaabkii uu ku imaan lahaa wadanka Netherland (holland) ,,, mudo lix bilood ah ka dib waxaa u suuragashay in uu magalada caasimada ah ee Amsterdam(SCHIPHOL AIRPORT) ka dagto gaar ahaa eleboorka la magac baxay SCHIPHOL AIRPORT

Saacid mudo gaaban ka db waxaa u suuragashay in uu helo sharcigii daganaashaha ee wadanka Nederland ka dibne wuxu bilaaway wax barashadiisaee qabyada u aheyd

mudo ka 5sano ah ka dib waxaa usuuragashay in uu qaato shahaadada gursiga sare ee wadanka holland oo loo yaqaan MIDDELBAAR BEROEP ONDERWIJS (MBO) marka uu shahadaas qaatay wuxuu shaqo ka helay mid ka mid ah shirkadaha wadanka holland isla markiina loo bilaaway mushaar aad u wanaagsan uu ku qanacsanyahay

wixii uu waqtiga socdaba wuxuu dareemay in uu u xiisay mid ka mid gabdhihii iskuulka la dhigan jiran ,, oo dareemay in uu sacad walbo jecelyahay in uu ayada la sheekeeysto

wuxuu isku qancin jiray, suuragal ma ahan in aad gabadhaasi la hadasho sababtoo ah mudo 6sano ka badan wax aqbaar ah maka heeysid xita waxaaba iska suuragal ah in aaay guursatay oo aayba xiligaan caruur dhaqanooyso

Mudo 9bilood ah marka uu sidaasi isku qanciyay ayuu maalin maalmaha ka mid uu qadka internetka ku arkay wil aan iskuul wada dhigin jireen oo xiligasi magalada muqdisho ku sugnaa waxaana dhax martay sheekadaani

Saacid: sxb aad ayaan kuu salaamay ka waran xaaladaada ?

Jamaal: sxb sidoo kale aad ayaan kuugu wanaagsanahay ee halkeed ka baxday maalmahaan aqbaartaada maba la maqlin bee?

Saacid: sxb waa leeyska mashquulay ee suaal ayaan rabaa in aan ku weeydiyo ( ma xasuusataa gabadhii qadro aheyd oo nagu fasalka aheyd xiligii aan 8aad aheyd sxb )

Jamaal: haa sxb, ee wax daran maa jiraan walaal ?

Saacid: sxb qoftaasi aad ayaan uugu baahanahay ee ma igu caawin kartaa sidii aan ku heli lahaa adiga oo mahadsan

Jamaal: sxb waxa aad ka hadleeyso waa Qadradii holwadaag daganeyd sax ?

Saacid: haa sxb ee qaabkii lagu heli lahaa sheeg?

Jamaal: sxb mudo bil ka hor ah ayaan ku arkay xaflad Hotel suxufi ka dhaceysay laakin mudo isbuuc ah waxaan awood u leeyahay in aan telfoonkeeda ama emeelkeeda keeno sxb

Jamaal iyo Saacid sidaas ayeey ku balameen

3dex maalmood ka dib ayeey jamaal iyo saacid qadka internetka isku arkeen waxaana dhax martay sheekadaan

Saacid : galab wanaagsan sxb sare ?

Jamaal: sido kale sxb ee warka isii maxaa isku kaa dhacayo .... sxb waxaan kuu hayaa telfoonka qadro laakin suuragal waa noqon weysay in aan cinwaankeeda helo oo aniga telfoonka lacag aan ayada ku waco ma igu jirto

Saacid : dhib malahan sxb telfoonka ayaaba igu filan ee adigane aad ayaad u mahadsantahay

Jamaal: sxb qofta wax gooni ah miyaa idinka dhaxeeya? ,, ka raali noqo suaasha hadaad dhibsatay

Saacid: sxb wax lagaa qarinayo maba jiraan oo markii aan iskuulka wada dhigan jirnay waa ka warheeysa oo aad ayaan u sheekeeysan jirnay laakin hada waxaan dareeemayaa in aan ayada tabaayo o waxaan rabaa in aan waco oo aan wareeysto ee adiga wax faahfaahin ah ma iga siin kartaa xaaladeeda ?

Jamaal: sxb qoftaasi aad ayaan isku naqaanaa balse arimaha gaarka maka sheekeeysano hadane maba leeys arko oo qof walbo danaheeda ayeey ku mashquulsantahay laakin waxaan ogahay in aay wali waalidkeed la nooshahay oo aayna dhigato jaamaca AFCIA UNIVERSITY ee nabar afar ku taal

Saacid : sxb qoftaas amaa la guursaday ?

Jamaal: waa suuragal balse wax caruur ah malahan waline waa ardayad ee sidaasi u la soco

saacid aaad ayuu ugu farxad in uu helo telfoonka qadro oo isla markiiba wuxuu bilaaway in u ka fikiro halka uu sheekada ka bilaawi lahaa

saacid horay ayaa ka dagtay si uu usoo gato kaar uu ku waco qofka hurdada ku dhibtay ee qadro ah

markii uu wacay ayaa waxaa dhax martay sheekadaan

Qadro : ASC waa kuma walaal?

Saacid: WCS ee qofka ila hadlayo qadro miyaa ?

Qadro : Telfoon marka aad soo waceeyso waxaa wanaagsan in aad soo wacdo adiga oo hubta qofka aad waceyso nuuca ee tahay ee ka hadal danahaada maxaa kuu darnaa

saacid hadalkaasi xanuuka badan aad ayuu ooga naxay oo wadnihii ayaa garaaciisa aad u batay balse qof laga maqanyaha ayuu aha ee asiga oo is adkeenayo ayuu ugu jawaabtay

Saacid: walaal adiga oo aadan qalad ii fahmin isku day in aad suuasha iiga jawaab qadro miyaa mise waaa qofkale ?

Qadro: waa ayada e maxaa kuu qabtaa uu ku darnaa ?

Saacid : woow aduunka hadii la noolyahay wa leeys arkaa walaahi mm abaayo aniga waa saacid jeeyte

qadro ayaa aad oo weeyn uugu faraxday in aay maqasho hadakaasi oo wali rumeeysan weeysay in waxa soo wacay uu saacid yahay

Qadro: aboowe macaan ka raali noqo in aan si xun kuu soo dhaweeyay oo dhalinyaro qaab daran ayaa telfoon igu dhibtay ee ka waran xaaladaada guud aboowe

Saacid : abaayo macaan aad oo weyn ayaan kuugu wanagsanahay oo si aanan cadi ahayn ayaan kuugu soo xiisay walaahi ee see tahay caafimaadkaada

Qadro : aboowe anigane sidoo kale ayaan kuugu xiisay walaahi balse meel lagaala soo xiriiro ma garaneeynin balse waxaa igu kaa war danbeeysay adiga oo ethopia joogto ee hada xageed joogtaaa

Saacid iyo Qadro sheeko aad u xiiso badan ayaa dhax martay waxaana la dareemi karay in aay labadoodaba isku xiiso qabeen

sheekada saacid iyo qadro waxaalaga dhax dareemi karay in aay labadoodaba aay isku carab raaricinayeen

qadro oo rabto in aay ogaato xaalada uu saacid ku suganyahay ayaa weeydiisay

Qadro: aboowe macaan adiga oo mahadsan ma guursatay mise wali , hadane maxaa qabataa ? waxaan rajeeynaya in aad jawaab saxan i siin doonto

Saacid: abaayo wali ma guursan aniga waxaan joogaa holland hada ayaan waxbarashada dhameyay oo jaamacad wali ma bilaawin laakin hada waan iska shaqeeystaa macaanto

qadro aad ayeey uugu faraxday in uuna wali guursan oo waaba wixii aay dooneeysay

Qadro: aboowe anigane sidoo kale oo wali ma guursan oo hada waxaan dhigtaa jaamcad hal sano aa iiga harsan laakin ilaa iyo hada waan la ahay wiil aan nolosha macaanteeda la qeybsado oo ragii oo dhanbo maba leeysku haleyn karo ,, waxaaba fiicnaan laheyd in aay raga oo dhan adiga camal lee aay noqdaan

wixii uu hadalka socdaba saacid oo rabo in uu danahiisa gaarka ah ka hadlo ayaa ku bilaaway

saacid: abaayo waxaan rabaa in aan ogaado in aay suuragal tahay in aan dano gaar ah ka hadalno sababto ah maalmihii la soo dhaafay waxaan dareemooyaa in uu qalbigeeyga adiga lee kuu baahanayahay waxaana rajeeynayaa in aan nahay labo qof oo is fahmi karo misane nolol kalsooni iyo jaceyl wadato wadaagi karo ee maxaad ka dhihi laheyd adiga oo dhanka wanagsan fiirinayo

qadro ayaa uugu jawaabtay

Qadro : fiiri aboowe waxaa wanaagsan ...........................................................................

la soco qeybta kale sabtiga soo socda

Waxaa kuu soo diyaariyay misane waqtiisaga qaaliga ah u huray qoraagiinii da'da yaraa oo qisooyinkiisa jaceylka lala dhacay waa Mohamed Abdi Aadan (gattuso)

Wixii talo tusaalo ama suaalo ah waxaad inoogu soo hagaajin kartaan saalim888@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip