Clarence Seedorf: Carlos Tevez Waxa Uu Aadaa Kooxdii U Balan Qaada Lacagta Ugu Badan.

0
Monday December 12, 2011 - 12:36:14 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Clarence Seedorf: Carlos Tevez Waxa Uu Aadaa Kooxdii U Balan Qaada Lacagta Ugu Badan.

    Ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Clarence Seedorf ayaa weerar ku qaaday ciyaaryahanka Manchester City Carlos Tevez, inkastoo weeraryahankaasi uu u muuqdo inuu u dhow yahay inuu ku biiro kooxda Rossoneri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Clarence Seedorf ayaa weerar ku qaaday ciyaaryahanka Manchester City Carlos Tevez, inkastoo weeraryahankaasi uu u muuqdo inuu u dhow yahay inuu ku biiro kooxda Rossoneri. Halyeeygan reer Holland ayaa sheegay in lacag ay tahay waxa ugu horeeya ee maskaxdiisa ku soo dhaca Tevez marka ay timaado kooxda uu u wareegayo, iyadoo 27 jirka reer Argentina uu haatan u ciyaarayo kooxdiisii shanaad.

Tevez ayaa laga soo nacay City waxaana uu u muuqdaa mid ka tagaya Premier League, iyadoo AC Milan iyo Paris St Germain ay saxiixiisa isku heystaan.

Madaxweyne ku xigeenka AC Milan Adriano Galliani ayaa hore u sheegay inay heshiis shaqsi ah la gaareen Tevez, balse City ay diidan tahay heshiiska amaahda ah, lakiin Seedorf ayaysan ka dhaadhacsaneyn in Tevez uu ku soo biirayo Rossoneri.

“Gadaal u fiiri mustaqbalkiisa ciyaareed, wakiiladiisa, iyo dhaqdhaqaaq kasta oo uu sameeyay, waxaan qabaa inuu Tevez aadayo halkii looga balan qaado lacagta ugu badan” ayuu Seedorf u sheegay Sky Sport Italia.

“Milan ayay noqon karta kooxdiisi ugu horeysay ee uu koox ahaan u xusho isagoo aan lacag fiirineynin. Waan arki doonaa waxa dhaca” ayuu yiri Seedorf.

Warkaana ayaa imaanaya xilli kooxda boorsooyinka waa weyn ee dalka Faransiiska Paris St Germain ay xaqiijisay inay xiiseyneyso laacibka reer Argentina Carlos Tevez.

Milan ayaa laga diiday heshiis amaah ah oo ay ku dooneyso ciyaaryahanka, iyadoo City ay dooneyso dalab ay gabi ahaanba iska iibineyso ciyaaryahan Tevez.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip