Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka USA
gaar ahaa Rochester Minnesota waxa ay halkaan tacsi tiiraanyo leh hawada u
marinayaan Eheladiiiyo Qaraabadii ay ka geeriyootay Allaah u
naxariistee Marxuumad Gaashaanlad sare Xaliima Cumar Axmed oo dhawaan ku
geeriyootay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi.
Dhammaan Jaaliyada Rochester Minnesota waxa ay
Eebe uga baryeen in Marxuumada uu Ilaahey Janadii Firdowso kawaraabiyo Ehaladi
iyo qaraabadii ay ka tagtayne uu samir iyo Iimaan ka siiyo Ehalada iyo
Qaraabada Marxuumada oo ku kala sugan dalka gudiisa iyo dibadiisa. Jaaliyada Rochester Minnesota waxa ay sheegeen
in marxuumada ay ka tagtay dhammaan Umada Somaaliyeed oo aysan kaliya ka tagin
Eheladii iyo Qaraabadii ka dhimatay kaliya iyagoo sheegay in ay aheyd Marxuumada
Qof muhiim ku ah bulshada dhaxdeeda waxeyna Eebe uga baryeen in qabrigeeda uu
qabow iyo Qaneecaad kusiiyo Dhinaca kale Dhammaan Maamulka, Shaqaalaha iyo
Qaar ka mid ah aqristayaasha ku taxan Shabakada Warsheekh waxa ay ayagane Tacsi
tiiraanyo leh hawada u marinayaan Ehaladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyootay
Allaah u naxariistee Marxuumada Xaliima Cumar Axmed oo ahed Gaashaalad sare
waxeyna Marxuumada Ilaahey uga baryeen inuu janatul Firdowsa kawaraabiyo
Eheladii iyo Qaraabadii ay ka tagtayne uu Eebe samir iyo Iimaan ka siiyo
Aamiin.
Jaaliyada Rochester Minnesota oo tacsi u diraya Ehelada Marxumad Xaliima Cumar Axmed
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN GEERIDU WAA XAQ QOF KASTA WAQTIGA LOO QADAR AYEY DHIMANEE QAATUMADEENA ALLAAH SUUBIYO AAMIIN INTA DHIMATAYNE ALLAAH U NAXARIISTO.