Axmed Madoobe oo sir culus daaha ka rogay

0
Saturday April 17, 2021 - 20:19:10 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo sir culus daaha ka rogay

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe" ayaa si toos ah uga horyimid muddo kordhintii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyeen hay'addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha waqtiga ka dhamaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe" ayaa si toos ah uga horyimid muddo kordhintii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyeen hay'addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Farmaajo.

 
Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland oo la hadlay waxgaradka Jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in uusan jirin sharci Xildhibaanada waqtigoodu dhammaaday u ogolaanaya inay muddo kordhin laba sanno ah u sameeyaan hay’addaha dowladda, uuna go’aankaas yahay mid sharci darro ah.

”Madaxweynaha xiligiisu dhammaaday haddii aan maanta la iska qaban wadankaan dib ayuu noqonayaa meel kale ayuu tagayaa, maanta waxaad ogtihiin in reer Muqdisho ay cabsi ku jiraan”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlaayay Munaasabad xalay lagu qabtay Magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in xiligii la ansixinayay heshiiskii 17-kii Sep lagu gaaray Muqdisho ay si wadajir ah u ansixieen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, wuuxuna sheegay in Golaha Shacabka uusan awood u laheyn inuu Go’aan ka gaaro dalka.

Axmed Madoobe ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ku eedeeyay in dalka Soomaaliya uu kusii ridayo god madow, ayna tahay in la iska qabto, hayeeshee haddii arrintaas ay dhici weydo uu dib u noqonayo dalka.

Sidoo kale Mdaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadka kuool Caasimadda dalka ee Muqdisho ay heystaan dhibaatooyin badan oo ay ku jiraan cabsi badan, isagoona uga mahadceliyay shacabka dul-qaadka ay muujinayaan iyagoona og wixii lasoo maray.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip