Ciidamo katirsan ururka Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah kuqaaday cutubyo katirsan militariga dalka Kenya kuwaasi oo kuwajahnaa Faafax-dhuun ee gobolka Gedo.
Ciidamada Kenyaatiga ayaa dagaalkaa waxa looga dilay dhowr askari , laba gaari oo mid yahay kuwa dagaalkana waa laga gubay , sidaana waxa warbaahinta usheegay afhayeenka howlgalada Alshabaab ee Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab.
"Dagaalka gaadmada ah wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Indho-ceel oo u dhexeeya Buusaar iyo Faafax-dhuun, waxaana halkaas ay mujaahidiintu ku dileen askar badan oo Kenyan, sidoo kalena waxay ku gubeen gaari ciidan iyo mid raaxo oo ay ciidamadaas wateen," ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.
Afhayeenka ayaa sidoo kale ku faanay in ciidamadoodi ku qasbeen kuwa Kenya iney dib ugu laabtaan halka ay ka yimideen, balse waxa uu dafiray in wax khasaaro ah kasoo gaaray dagaalki ay lagaleen ciidamadaasi.
Sheegashada afhayeenka Alshabaab ee guulaha ay ka gaareen ciidamada kenya, ayaanu jawaab wili ka bixin madaxda ciidamada Kenya ee howlgalada kawada gudaha soomaaliya gaar ahaan gobolka Geddo/.
Dhanka kale, xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa waxay hoobiyeyaal ku weerareen saldhigyo ay degmada Garbahaarey ku leeyihiin ciidamada DKMG ah iyo Ahlusunna waxaana ka dhashay dhaawacyada afar qof sida ay sheegeen saraakiisha DKMG ah.
Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegtay inay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ku gaarsiiyeen duqeyntaas ciidamadii DKMG ah iyo kuwii Ahlusunna ee ku sugnaa saldhigyada ay hoobiyeyaasha ku weerareen, hasa yeeshe majirto ilo madax banaan oo arintaa xaqiijiyay .
Alshabaab oo guulo kashegatay dagaal kadhacya Garbaharey
Ciidamo katirsan ururka Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah kuqaaday cutubyo katirsan militariga dalka Kenya kuwaasi oo kuwajahnaa Faafax-dhuun ee gobolka Gedo.