Sheekh Cali dheere afhayeenka xarakada Alshabaab ayaa gaashaanka udaruuray haba yaraatee ineysan jirin wax guulo ah ay ciidamada kenya ka gaareen boqolka maalinta ay kusugan yihin gudaha Soomaaliya.
Afhayeenka ururka Alshabaab Sheekh Cali dheere ayaa warkaan kasheegay mar uu lahadlayay idaacada kuhadashada codka Alshabaab ee fadhigeedu yahay deegaanka loo barakacay ee Ceelasha Biyaha duleedka Muqdisho.
Sidoo kale hadalka Sheekh Cali Dhere ayaa kusoo begmaya xili madaxa howlgallada ee ciidamada Kenya, Col. Cyrus Oguna uu sheegay in howlgalkooda Soomaaliya ay ka gaareen natiijooyin wanaagsan kaddib 100 maalmood, wuxuuna xusay inay dhowr deegaan ku qabsadeen, sidoo kalena ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-shabaab.
"Ciidamada Kenya waxay ku sugan yihiin goobihii ay 100 maalmood ka hor soo gaareen, halkaas ayaana maalin walba iyo xilli walba lagu weeraraa," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay isaga gudbi karin deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo xusay inay maalin walba la kulmaan weerarro sababay inay xitaa socod isugu tallaabi waayaan.
Sheekh Cali Dheere, wuxuu ka sheegay deegaannaday ciidamada Kenya ku sugan yihiin Faafax-dhuun iyo Ceel-cadde, Taabto iyo Qooqaani, kuwaasoo ku kala yaalla Jubbada Hoose iyo Gedo.
Dhanka kale, wuxuu ka hadlay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baladweyne, isagoo xusay inay khasaarooyin badan kala kulmeen weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta ay Balaweyne ka dagan yihiin.
Sidoo kale Sheekh Cali dheere waxa uu fariin taakulo ah udiray shacabka Soomaaliyeed oo ugu baaqay iney kala qeyb qaatana dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowlada Somaliya, AMISOM, Itoobiya iyo kenya..
"kenya inta ay joogtay boqol maalin kahor ayeey hadana joogtaa"
Sheekh Cali dheere afhayeenka xarakada Alshabaab ayaa gaashaanka udaruuray haba yaraatee ineysan jirin wax guulo ah ay ciidamada kenya ka gaareen boqolka maalinta ay kusugan yihin gudaha Soomaaliya.