Wasiiraka Warfaafinta C/qaadir Xuseen Maxamed(Jaahweyn) ayaa Daboolka ka Qaaday in alshabab ay cadeyteen Meesha sida dhabtaha ay kasoo Guuriyeen Falalka lagu Dhibaateynayo Shacabka Somaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed(Jaahweyn) oo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) u waramayay maanta ayaa yiri "Midowga Alshabab iyo Al-Qaacida ma ahan war nagu cusub, waanan ogeyn in Alshabab iyo Al-Qaacida ay yihiin urur qura, Hogaamiyaasha Alshababna ay wakiil ka yihiin, matalaana Ururka Al-Qaacida, Ururka Al-Qaacidana uu yahay urur Ajnabi ah oo argagixiso ah, kuna kaca falal ka ka soo horjeeda diinta Islaamka sida dilka Shacabka Soomaaliyeed ee wax ay galabsadeen aysan jirin"
Wasiirka Warfaafinta ayaa intaa ku daray "Waxaanu leenahay Dr Ayman Aldawaahiri oraahdaadii arinkaan aad ka tiri ee ahayd "Bishaaro fiican ayey noo tahay " inagana sidoo kale bishaaro fiican ayey noo tahay, Xukuumadda Soomaaliyana waxay ku faraxsantahay inuu gebi ahaanba dhamaaday waqtigii uu Ururka Alshabab ee argagixisada ah uu isku qarinayay inuu yahay Urur islaami ah oo Soomaaliyeed".
Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday "Dhamaan Beesha Caalamka waxaa iminka u cadaatay xaqiiqadii aan ogeyn mudo dheer, waxanan ugu baaqaynaa dhamaan dalalka dduunka inay nagu garab istaagaan Dagaalka aan kula jirno Soomaaliya ururka Al-Qaacida"
C/qaadir Jaahweyn'Xiligii shabaab Magac Diimeed isku qarin jiren Waa dhamaatay''
Wasiiraka Warfaafinta C/qaadir Xuseen Maxamed(Jaahweyn) ayaa Daboolka ka Qaaday in alshabab ay cadeyteen Meesha sida dhabtaha ay kasoo Guuriyeen Falalka lagu Dhibaateynayo Shacabka Somaaliyeed.