
Hotelka Naasahablood oo ah hotelka ee deganyihiin shikh shariif oo u dhow Isgoyska KM4 oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la arkayay iyagoo ilaalo gaar ah ay ka hayeen Ciidamadaas, waxaana hareeraha Hotelka ay soo dhigeen Taangiyo iyo gawaarida qafilan ee qoryaha dul saaran.
Xubno ka tirsan Wafdiga Sheekh Shariif oo la sheegay inay yihiin Gudigii Ammaanka ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa la tilmaamay inay Hoteelkaas degan yihiin, waxaana maalmihii la soo dhaafay uu kulan ku dhex marayay Halkaas Gudiyada Ammaanka ee Dowladda iyo Isbaheysiga ee uga qeyb galay Shirkii Jabuuti ee heshiiska lagu gaaray.
Wararka halkaasi naga soo gaaray ayaa sheegaya in tan iyo wixii ka dambeeyay labo maalmood ka hor oo dagaalo xoogan ay ka dhaceen agagaarka Hotelka ay degan yihiin Wafdigaas waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka nawaaxiga Hotelka Naasahablood.
Sheekh Shariif iyo qaar ka mid ah Wadigiisa waxay degan yihiin Waqooyiga Muqdisho, halkaasoo ay ku ilaalinayaan Ciidamo sita calaamada Maxkamadaha, kuwaasoo badankood ah kuwo ku beel ah Shariifka, iyadoona Hotelka uu degan yahay Shariifka ee Lafweyn ay tahay mid iyana ammaankeeda si weyn loo adkeeyay.
Hoteelka Naasa-hablood ee iskoyska KM4 oo ay ilaalinayaan Ciidamada AMISOM
Ciidamada afrikanka ee Nabad Ilaalinta u jooga dalka somaliya ee AMISOM ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka Hotelka Naasahablood iyo nawaaxigiisa, halkaasoo ay degan yihiin Wafdigii uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ka socday Isbaheysiga D