saacid markii uu warqada aay gacalisadiisa u soo dirtay aqriyay ayuu goaansaday in u diro hadba jawaaabtii looga bahnaa oo laga sugaayay
saacid ayaa sidaan ku bilaaway
Ku: gacalisadeeyda Qadro,
Macaanto misane ah gacalisadeeyda ah aad aan uugu faraxsanahay in aad awoodo in aad ii sheegto wixii jiro misane aadan iga qarin
xabiibti waxaa hubaal ah misane aan shaki ku jirin in aan kaa qarsan laheyn wixii igu soo zaaido
teeda kale dhib malahan gacaliso aniga aa bishii 100 meel kuu saaraayo oo waxbarashadaada gooni ka tahay
teeda kale ogoow qoyskaada madaxa korkiisa aay ii saaaran yihiin oo waalidkeey oo kale aay ii yahiin.
macaanto ogoow jaceylka adkeysi uu u baahanyahay iyo dulqaad
xabiibti qeyr badan aan kuu dhaaafay waa inoo barito jaaw
saacid isla malintaasbo 100kii uu balan qaaday horay ayuu ka diray
qadro ayada oo waxbarashadeeda iskaaga jirto ayaa xawaalad xawaladaha ka mid ah so wacday oo lagu war galiyay in aay lacag u taalo
islama markiiba waa dareentay in uu gacaliyaheeda beenta ah misane baariga ah uu usoo diray xoogaa lacag ah
wixii uu waqtiga is guraba
qadro ayaa markii aay lacagta soo qaaday horay ka wacday macaankeeda kamal
Kamal: galab wanaagsan gacaliso
Qadro: wanaagsan gacaliye see ii tahay macaanto
Kamal: qaali aad aan kuugu fiicanahay ka waran adiga dhankaada
Qadro : macaane waan kuu fiicanahay wax iga haleysan ma jiraan gacaliye ee macaane maanta waxaan rabaa in aan horomarka nolosheena ka tashano ee diyaar ma u tahay
Kamal: qaali wax aan kaa diidayo maa jiraan hee waad ogtaheee, ee wax zaaid ah ma jiraan
Qadro : macaane saan talo manoo ahan waxaan rabaa in aad noloshada wax ka badasho oo aad balwada iska dhaafto oo xoogaa lacag ah aan walaalkeey kaaga qaado oo aad dukaan ama wax uun noogu furto si aan nolosheena meel u saarano ka dibne aan is guursano
kamal: gacaliso taasi dhib malahan waan dadaalaa balse halmar mala wada joojin karo balse jaadka waan iska dhaafaa laakin sigaarka mudo aay qaadanee
Qadro: gacaliye aad aan uugu faraxsanahay in aad codsigeeyga aqbasho
qadro gacaliyaheeda ayeey bilkasto 25 doolar meel u saartay
balse somali aa u horay u dhahday labo kala bariday kala war la'
kamal aa xiliyada uu jaadka cunayo ayuu dhalinyada uugu faani jiray in uu heeysto gabar jecel oo jaadkiisa xitaa meel saartay dharkiisane gadeeyso
maalin maalmaha ka mid ah ayaa mid ka mid ah kuwii la qayilaayay weeydiyay in uu qoftaas jecel yahay iyo inkale balse wuxuu uugu jawabay
sxb sanadkaan jaceyl ma jiro oo aduunkaan waa ku dhifo oo ka dhaqaaq marka qoftaas hadalada macaanka badan lee uugu kaalmeeynaa wixii aan rabone waan helaa
haye oo hada jaceylka run maka ahan miyaa
sxb run wuu iga ahaa balse waalidkeed ayaa igu qanacsaneyn marka hada wax jaceyl ah ma u haayi oo waxa kaliya aan rabo waa in aan jaadkeeyga meel kasaarto inta aay i wadone waan wadaa sxb
laakin qadro jaceylka aay kamaal u qabto wuxuu ahaa mid sax ah misane daacad ka ah
dhanka kale Saacid riyo maalmeed aan caadi aheyn aa waalay oo qofta uu jecelyahay misane uu bilkasto biilka u dirayo waa ka sii jeedaa oo lacagta uu dirobo dad aa lagu biilaa
balse saacid ayaa maalin maalmaha ka mid ah weeydiyay in aay gacalisadiisa diyaar u tahay in aay guursato iyo inkale
waxaana dhax marta sheekadaan
Saacid : macaanto xabiibti waan ku salamay
qadro: macaane waan kaa qaaday
salaan iyo sheeko gaaban ka dib ayuu saacid dantii uu uso wacay guda galay asiga oo ku bilaway
Saacid: gacaliso maadaama aan mudo wada soconay hadane uu jaceylkeena meeshii lo baahnaa uu marooyo maxaa ka qabtaa hadii aan macaanka jaceylkeena dhadhamino oo aan is guursano
Qadro hadalkaas aad u weeyn meel ayuu ka taabtay oo markii horeba qof wax jaceyl ma aheyn o waaba aay ka sii jeeday
ayada oo rabto in aay hadalkaane cusub dib u dhigto aa ku jawaabtay
Qadro: gacaliye aroos ma fududa ee aan mudo ka warsugno (geedkii orod lagu koro orod aa looga dagaa aa la dhahay e )
saacid: gacaliso waxaa muhiim ah kalsoonida ee adiga dhankaada miyaa kalsooni daro jirta mise sabab kale oo arooska ku diideeyso maa jirto bal runta ii sheegbo ?
qadro hadalkaasi ayaa si xun u tabtay ayaa ku jawaabtay
Qadro(oo xanaaqsan);haye sheeko maa keentay, oo hadal maa laguu keenay warkaada ma fududa bee
Saacid oo hadaalkaasi ka shakiyay ayaa ku jawaabay
Saacid: aniga qof wax ii sheegtay ma jirto balse in aay wax jiraan aan dareemooyaa ee hadii uuna jaceylka daacad kaa aheyn hadaba isheeg waajib ma ahan in aad aniga lee nolosha ila wadaagto
Qadro: aboowe wax jiro malahan ee maxaa dareentay
Saacid: dabcan in aad wax qarinooyso aan dareemooyaa balse dhib malahan LUUQ LUUQ MAROOW LAAZIM LAAMIGA LEE WAYAY oo waa hubaal in aay wax jiraan balse waa soo baxaayaan dhib malahan
Qadro aa dareentay in uu kamaal xanaqay o xanaaqeeda benta ah uu meel tageeynin ee aay danta uugu jirto in aay is dajiso si aay danteeda kale u gaarto
Qadro(ayada oo is jilcineeyso): gacaliye qof aan wax ka qarin karo ma tahay horta
Saacid: kalsonida aa muhiim ah dhowr jeer oo horane suaalo aan ku weeydiyay aan kaa helay jawaabo aan fiicneeyn o kalsoni daro ah marka wixii jiro waan ogaanaa insha alalh
Qadro: maxaa ka mid ah suaalahaas aan hada kaaga jawaabee
Saacid: waxaa ka mid ah in aad iga diiday in aad waalidka i barto balse dooda ma fiicno ee hada suasha aan ku weydiyay diyaar makaa tahay jawaabteeda
Qadro: gacaliye in aan xaaskaada noqdo diyaar aan u ahay balse xoogaa waan kala fognahay hadane waxa aad ku sugantahay ma ogi aniga taasi aa keentay in aan ku dhaho aan ka fikirno
Saacid: aniga waan is hubaal ee adiga lee qof fiican noqo oo lagu kalsoonaan karo gacaliso ogoowne jaceylka waa sheey qaali ah aan qiyaano mudneeyn sabab aan kugu qiyaanone ma jirto
Qadro aa dareentay in aay tahay qofka wax qiyaameeyso ayaa indhaheena ilin ka soo daadeen markaas ayey ku ugu jawaabtay
Qadro(ayada oo ooyneeyso): gacaliye iga raali noqo ma jecli in aan ku dhibo ama aan ku murjiyo ee aduunka aa murug ka sameysa
saacid aa ka xanuunsaday hadalka muruga iyo ooyinta wato oo gacalisadiisa dhankeeka ka imaanayay aa ku jaawabay
Saacid : gacaliso iga raali noqo ee hada iska naso kana soo fikir ee sida kula fiican ii soo sheeg isbuuca danbe aan ku soo wacaa aniga gacaliso
qadro oo rabo in aay gacaliyaheeda niyada u dajiso aa ku jawaabtay
Qadro:macaane raali noqo ina cafi iina dulqaado aniga adiga aa i leh ee isbuuca danbo ma sugi karee xitaa qadka aan isku aragno
wixii o waqtiga socdayba labo maalmood ka dib ayeey qadka isku arkeen waxaana dhax martay sheekadaane murugta iyo xiisaha badan
Lasoco Sabtida danbeHoos ka aqri qeybihi hore
Q.3aad
Q.2aad Q.1aad
Waxaa kuu soo diyaariyay misane waqtiisaga qaaliga ah u huray qoraagiinii da'da yaraa oo qisooyinkiisa jaceylka lala dhacay waa Mohamed Abdi Aadan (gattuso)
Wixii talo tusaalo ama suaalo ah waxaad inoogu soo hagaajin kartaan saalim888@hotmail.com
Sheeko “Q,4aad”, Wahel taan ka sugayay waran bey igu taagtay !!!
saacid markii uu warqada aay gacalisadiisa u soo dirtay aqriyay ayuu goaansaday in u diro hadba jawaaabtii looga bahnaa oo laga sugaayay