Wax kasta waxay ku xiraan rabitaan go'aan iyo dadaal.

0
Wednesday August 09, 2017 - 14:33:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax kasta waxay ku xiraan rabitaan go'aan iyo dadaal.

    Muxaadaro cinwaan keedu ahaa "Dib uga fekerida Horumarinta Maaliyayeed (Rethinking Development Finance) ee uu Iskuulka arrimaha dhaqaalaha caanka ku ah LSE ka jeediyey Dr Jim Yong Kim Madaxweynaha Baanka Aduunka ayuu qiso cajiib ah la wadaagay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxaadaro cinwaan keedu ahaa "Dib uga fekerida Horumarinta Maaliyayeed (Rethinking Development Finance) ee uu Iskuulka arrimaha dhaqaalaha caanka ku ah LSE ka jeediyey Dr Jim Yong Kim Madaxweynaha Baanka Aduunka ayuu qiso cajiib ah la wadaagay dhagaystayaashii.


Wuxuu yiri waxaan booqasho ku tegey Iskuul ku yaala Tanzania. Ardaydii ayaan waydiiyey maxaad doonaysaan in aad noqotaan markii aad waynaataan. Labo ka mid ah ayaa ku jawaabay in aan noqono Madaxweynaha Baanka Aduunka.

Waxaan u sheegay buu yiri in aan 1959 ku dhashay mid ka mid ah wadamadda Aduunka xiligaa ugu saboolsanaa Koonfurta Kuuriya. Sanadkaas Baanka Aduunka wuxuu sheegay in Kooriyadda Koonforeed aysan ku filnayn quudka daruuriga ah ee dadkeeda, hadiise aysan kaalmo dhaqaale Aduunka ka helin. Mana u qalmin in Baanka Aduunka kaalmooyinkiisa kala duwan siiyo, kaalmo mise amaah dulsaar leh iyo mid aan lahaynba. Sababtoo ah buu yiri Dr Kim K/ Kuuriya waxay soo buuxisay shuruudihii ay ugu qalmi lahayd amaah siinta Baanka Aduunka 1963.

Dr Jim oo sheekada sii wada ayaa yiri Markii aan ku jiray xanaanada caruurta 1963dii hadii uu Madaxweynihii Baanka Aduunka ee xiligaas George David Woods, soo booqan lahaa fasalka aan dhiganayey marna kuma soo dhici lahayn ama rumaysteen in mid ka mid ah Madaxweynayaashii Baanka Aduunka uga danbayn lahaa uu fasalkaas fadhiyo

Waxaan ku iri buu yiri Dr Jim caruurtii reer Tanzania ma jirto cid idiin sheegi karta in aadan Madaxweynaha Baanka Aduunka noqon karin, mana jirto cid idiin sheegta in aadan noqon karin wixii aad rabtaan in aad noqotaan, waad noqon kartaan.

Wax kasta waxay ku xiraan rabitaan go'aan iyo dadaal.

W-Q. Abdirahman Abdishakuur

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip